Muqdisho (SONNA)-Danjiraha dawladda Federalka Soomaaliya u fadhiya wadanka Suudaan Mudane Maxamed Sheekh Isxaaq, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la qaatay wasiirka waxbarashada sarre iyo cilmi baarista dawladda aan walaalaha nahay ee Suudaan Mudane Maxamed Xasan Dahab.
Kulankaan , ayaa labada masuul waxay uga wada hadleen Xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhaxeeya labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhanka waxbarashada iyo dhaqanka iyo sidoo kale arrimaha Deeqaha waxbarasho ee Suudaan ay Siiso Soomaaliya, kuwaasi oo gaarayo sanadkii 180 ardey.
Labada Masuul ayaa sidoo kale isla gartay xalka Caqabadaha heesta ardayda Soomaaliyeed ee dalkaasi wax ka barta.