Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Khawaarijta oo la mid noqotay Darbi dumay(WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Khawaarijta oo la mid noqotay Darbi dumay(WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Khawaarijta oo la mid noqotay Darbi dumay(WARBIXIN)

By Kulane
Last updated: January 7, 2023
5 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Howlgallada Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa ah kuwo guulaystay, waxaana taa daliil u ah in maalin walba ay isa soo dhiibayaan odayaal ay kooxda khawaariijtu ku qasbi jirtay in ay u hadlaan, kuwaas oo ay u caleema saarteen Nabadoonimo iyo sidoo kale waxa iyaguna dhankooda isa soo dhiibaya dhalinyaradda lagu qalday Fikirka gurracan ee khawaariijta, waxaana muuqata in ay kooxda Khawaarijtu xididdada looga siibay gobolkaasi, waxaana beryihii u dambeeyeyey isa soo dhiibay Afar Xubnood uuna hogaaminayay Horjooge Maxamed Cali Xasan oo loo yaqaano Macalin Xudeyfa iyagoo isku soo dhiibeen Ciidamada Qalabka Sida ee ku sugan Dowlad Goboleedka HirShabeelle, macalin Xudayfa ayaa ka mid ahaa horjoogeyaashii horkacayay maleeshiyaadka Khawaarijta ee dhowaan lagu jabiyay dagaaladii ka dhacay Shabeellaha dhexe.

Dhinaca kale, Ciidamada Qaranka ayaa gacanta ku dhigay 8 ka tirsan Khawaarijta, kuwaasi oo isku dayay in ay isku qariyaan Dhulka hawdka ah ka dib Jabkii cuslaa ee Khawaarijtu ay kala kulantay Dagaalkii ay Ciidamada Qaranka iyo Shacabka Deegaanku kula galeen Hirshabeelle, iyadoo maalin ka hor isla aaggaaasi ay Ciidamada Qaranka isku soo dhiibay Siciid Raage oo Khawaarijta ugu magacawnaa nabadoon iyo mid ka mid ah Maleeshiyada Kooxda Khawaarijta ah, waxaana si wanaagsan u soo dhaweeyay Ciidamada Qaranka, waxaana ka go’an tahay Dawladda Soomaaliya in ay daryeesho kuwa ka tanaasula Fikirka Khawaarijta iyo ficilladooda gurracan.

Dawladda Soomaaliya waxaa ka go’an in Cadaaladda la marsiiyo dhagarqabayaasha ku adkaysta ku sii jirista Khawaarijta kuna dhiiranaada dhaqamadooda foosha xun.

Dowladdu waxay Khawaarijta Al-Shabaab kula jirta Dagaal toos ah,mid dhaqaalaha ah iyo mid dhanka Fikirka kaas oo guud ahaan dalka looga saarayo waxaana ka go’an ciribtirka Khawaarijta, si shacabka Soomaaliyeed ugu noolaadaan Nabad iyo Barwaaqo.

Gobolada Mudug iyo Galguduud waxaa wali ku sugan tiro yar oo kooxdaasi ah , dadka deegannada goboladaasi ayaa wada abaabul xooggan oo ay rabaan dhowaan in ay guluf xooggan ku qaadaan harraadiga tiradda yar ee kooxaha khawaariijta ee goboladda ku dhuumaalaysanaya.

Dhinaca kale Dowladda Soomaaliya ay xirtay 600 oo shabakadood, kuwaasi oo ay khawaarijtu ku baahin jireen falalkooda gurracan, iyadoo Baraha la xiray ay isugu jireen Facebook,Twiter,telegram, Tiktok,Youtube iyo Mareegaha Website-yada ” cidkasta oo baahisa wararka khawaariijta iyo goob kasta oo lagu baahiyo waa noo bartilmaameed” ayuu yiri wasiir Ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Shiikh Yuusuf Caddaala, wuxuuna sii raaciyay Meel kasta oo macluumaad Khawaarijtu leedahay lagu faafiyo ciddii doontaa ha lahaatee dowladda Waa u target ama bartilmaameed.

Ka sokow guulaha xagga dhulka ee baaxadda leh ee ilaa haatan laga soo hooyay halganka la dagaalanka iyo ciribtirka kooxaha argagaxisada ah, waxaa kaloo muuqda guulo kale ee waaweyn oo laga gaaray ciribtirka kooxahaasi, haddaba waxaan guulahaasi ku tilmaami karnaa:-

Guusha koowaad: In Bulshada Soomaaliyeed iyo ciidamadooda qalabka sida ay aamineen in kooxaha argagaxisada ah lala dagaalami karo, lagana guuleysan karo, waxaana goobo fara badan lagu baacsaday laguna burburiyey.

Guusha labaad: In Bulshadii iyo kooxahii Argagaxisada ay sii kala miirmayaan siina kala fogaanayaan, ka dib kolkii dagaalku uu isku badalay “Halgan iyo dagaal Bulsho”. Halkii shalay laga yaabay in loo arki karay dagaal dhex marayey ama u dhaxeeya ” Dowlad iyo koox gaar ah”, arinkani waxa uu horseedi kartaa in aysan kooxahaasi heli doonin waxii hadda ka dambeeyao gabaad iyo cid ay isku qariyaan.

Guusha seddexaad ayaa ah, In markii ugu horreysay dagaal xagga dhaqaalaha ah oo toos ah lagu qaaday kooxaha argagaxisada ah, lagana xirxiray ku dhwaad ilaa 60 xisaab bank oo ay tiilay lacago malaayiin doolar ah, kaasi oo horseeday in ganacsatada iyo bulsho weynta Soomaaliyeed ee ay baadda iyo boobka ku hayeen kooxahaasi ay dhiiradaan, diidanna bixinta xoolahooda lagu gumaadayay shacabkooda.

Guulahaasi seddexda ah waa arimo istiraatiiji ah, aadna muhiim ugu ah ka guul gaarista dagaalka la gula jiro kooxaha argagaxisada ah, waana in la sii wado dadaalada ku aadan ka miro dhalinta hadafka iyo ujeedada fog ee laga leeyahay ka gungaaridada dagaalka lagula jiro kooxda Argagixisada ah ee Khawaarijta.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa dhawaan uga digay Dadka ku dhaqan goobaha ay Kooxda Khawaarijtu joogaan Dowlad Gobolaadka Hirshabeelle inay ka fogaadaan, isagoo caddeeyay inay meelahaasi ay bartilmaameed u yihiin Ciidamada Dowladda iyo kuwa Deegaanada, sidaasi awgeedna ay ka baaqsadaan inta lag xoreynayo.

Kooxdani waxay haatan u muuqataa mid gabalkeedu sii dhacayo dhinac walbana lagala dagaalamayo, marka waxa aan ku sifeyn karnaa Darbi dumay, shacabkuna ay ka fogaanno yuusan daqrine.

SONNA Editorial.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Golaha Aqalka sare BFS oo maanta lagu ansixiyey hindise sharciyeed hay’adda nabad sugidda

Muqdisho-(SONNA)-Kalfadhiga maanta ay yeesheen golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu ansixiyay hindise sharciyeedka hay’adda nabad sugidda iyo…

GudahaWararka
February 22, 2023

Ciidanka dawladda oo qabtay rag Qarax ku aasayey wadada Sabiid ee gobolka Shabeelaha hoose

Afgooye (SONNA) Hawlgal gaar ah oo maanta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka sameeyeen deegaanada Sabiid iyo Caanoole ee gobolka…

GudahaWararka
September 5, 2020

Hay’adda SoDMA oo gargaar gaarsiisay barakacayaal ku dhaqan duleedka Muqdisho

Muqdisho-(SONNA)-Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA ayaa maanta deegaanka Garasbaaley si gaar ah Waaxda Weydoow waxay gargaar ugu qaybisay…

GudahaWararka
January 23, 2024

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA BFS OO MAANTA KA QEYB GALAY FADHIGA BAARLAMAANKA JABUUTI

Djibouti-(SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta booqday Xarunta Baarlamaanka ee Jamhuuriyadda…

GudahaWararka
May 15, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023