MUQDISHO-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa galabta ka guddoomay ballanqaadka qorshe-howleedka sanadka cusub ee 2023 ee wasaaradda amniga gudaha Wasiiru Dowlaha Wasaaradda ahna Ku Simaha Wasiirka Mudane, Maxamed Cali Xagaa.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in sugidda amniga gudaha ee dalka ay Xukuumadda DanQaran siineyso ahmiyad gaar ah si looga xorreeyo Khawaarijta guud ahaan goobaha kooban ee ay ku sugan yihiin.
Waxaana uu kula dardaarmay Wasiiru Dowlaha iyo masuuliyiinta kale ee wasaaradda inay xaqiijiyaan sidii looga gun gaari lahaa qorshooyinka howleed ee Wasaaraddu soo bandhigtay maanta si shacabka Soomaaliyeed ay sanadka cusub ee 2023 u helaan amni sugan iyo kala dambeyn.