Muqdisho.(SONNA):- Waxaa maanta magaalada Baydhabo lagu soo gabagabeeyay wadatashiyadii dib-u-heshiiinta Koonfur Galbeed ee uu ku baaqay guddoomiyaha golaha shacabka BJFS Mudane Sheikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).
Guddoomiyaha golaha Shacabka ayaa soo saarey baaq shir dib-u-heshiisiin ah 19-kii bisha Nofeembar 2022-ka, markii uu arkey xaaladaha adag uu maraayo dalka gaar ahaan Koonfur Galbeed wuxuu soo jeediyay in la qabto shir dib-u-heshiisiin ah luguna qabto magaalada Baydhabo.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed,siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda Koonfur Galbeed ayaa soo dhoweeyay dadaalada gudoomiyaha uu ugu jiro qabashada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta ah oo ka dhici doona magaalada Baydhabo.
Gunaanadkii kulamadii uu la yeeshey guddoomiyaha golaha Shacabka, madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada waxey isla qaateen: –
1- In dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha, culimaaโudiinka, ganacsatada, dhalinyarada iyo haweenka si dhab ah ugu istaagaan dedaalada la-dagaalanka aragagixisada oo ay hormuudka ka yihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dhammaan qaybaha kale ee ciidamada qalabka sida.
2- In la xoojiyo xiriirka iyo wada shaqaynta hayโadaha dowladda ee labada heer (federaal iyo dowlad goboleed) si loo xaqiijiyo kalsooni buuxda iyo natiijooyin wax ku ool u ah dawladnimada si looga xoreeyo dalka kooxaha Khawaarijta.
3- In laga wada-shaqeeyo xaqiijinta xasilooni siyaasadeed oo ku qotanta kalsooni, midnimo, sarreynta dastuurka iyo xeerarka dalka.
4- In sida ugu dhakhsiyaha badan Gudoomiyaha Golaha Shacabka uu u soo magacaabo guddi heer farsamo oo ka shaqeeya dar dar galinta shirka arrimaha dib-u-heshiisiinta heer farsamo.
5- Furitaanka shirka waxaa loo asteeyey 5-ta Janaayo 2023-ka kaas oo ka dhici doona Baydhabo.
6- Gudoomiyaha Golaha Shacabka ahna Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya ayaa ka mahad celinayaa soo dhoweyntii diiraneyd ay u sameeyeen madaxda iyo shacabka Koonfur Galbeed.