Muqdisho-(SONNA)-Haya’dda Qatar Charity ayaa raashin u qaybisay dadak ay abaaruhu saameeyeen ee ku soo barakacay Magaalooyinka Dhoobleey oo ka tirasan Gobolka Jubbada hoose iyo degmada Ceel-Barde ee Gobolka Bakool.
Mashruucan raashin qaybinta ah ayaa waxaa ka faa’iidaystay in kabadan 9,240 qof oo ka tirsan qoysaska ay sida daran u saamaysay abaarta, taas oo keentay in ay waayaan xoolihii hoosna u dhaco wax soo saarkii beeraha.
Wakiilka Wasaaradda gargaarka iyo maaraynta musiibooyinka maamulka Jubbaland ee magaalada Dhoobleey, Cabdimaalik Baddal Maxamed ayaa uga mahad celiyay deeqda ay Qatar charity gaarsiisay dadka kasoo barakacay abaarta.
Guddoomiyaha degmada Dhoobleey, Siyaad Maxamed Xasan ayaa sheegay in ay aad uga faraxsanyihiin gargaarkan oo ku soo beegmay xilli ay barakacayaasha ku sugan degmada Dhoobleey wajahayaan xalada nololeed oo aad u adag.
Guddoomiye Siyaad ayaa uga mahad celiyay shacabka reer Qatar iyo Haya’dda Qatar Charity garab istaagga ay u muujiyeen walaalahooda Soomaaliyeed.
Haya’dda Qatar Charity ayaa sidan oo kale horay uga qaybisay raashin ay kaa faa’iidaysteen 7,800 qof, oo ku dhaqan magaalooyinka Kismaayo iyo Garba-haareey ee dowlad Goboleedka Jubbaland.