Muqdisho.(SONNA):– Midowga Yurub ayaa sheegay in ay xayiraad dhanka socdaalka ah iyo mid dhanka hantida ah ku soo rogeen shan sarkaal oo ka tirsan Milatariga Mali, oo ay ku jiraan taliyayashii ku lugta lahaa afgambigii sannadkii hore,ย kuwaas oo uu kamid yahay hoggaamiyihii milatariga Assimi Goรฏta.
Arrintan ayaa lagu dhawaaqay kadib markii ciidamada milateriga ay ka baxeen balan qaad ahaa in bishan la qaban doono doorasho, taas bedelkeedana ay dib u dhac ku yimid afar sano.
Sarakiishan ayaa waxaa kamid ah.
Choguel Kokalla Maรฏga, Raโiisul wasaaraha ku meel gaarka ah.
Col Malick Diaw, madaxweynaha golaha ku meel gaadhka ah.
Col Ismaรซl Waguรฉ, wasiirka dib u heshiisiinta iyo ninkii ku dhawaaqay afgambiga Ogosto 2020.
Adama Ben Diarra, oo sidoo kale loo yaqaan โBen le Cerveauโ.
Ibrahim Ikassa Maรฏga, oo ah xubin rayid ah oo ka tirsan dowladda ku meel gaarka ah.
Xiriirka u dhexeeya Midowga Yurub iyo Mali ayaa hoos u dhacay, waxaana sababay afgambigii dalkaas ka dhacay tan iyo 2020 iyo goโaanka Mali ay ku shaqaalaysiisay qandaraasleyaal amni oo Ruush ah.
Waddamada Yurub oo uu ku jiro Faransiiska ayaa ka fikiraya in ay kala baxaan ciidamada ku jira cutubka dagaalka kula jira kooxaha Islaamiyiinta ah.