Dowladaha caalamka ayaa maanta u dabbaaldegay xusk 4-ta Febraayo oo ah maalinta caalamiga ah ee Kansarka Adduunka, si kor loogu qaado wacyiga la xirira halista cudurkaasi iyo sida ugu haboon ee looga qeybqaadan karo ka hortagga iyo ย daawaynta kansarka.
Xuska maalintaan waxaa hogaaminaya Ururka Caalamiga ah ee Xakamaynta Kansarka (UICC) si loo ย taageeroย baaqa qaramada midoobay ee ku aadan xuska maalinta caalamiga ah ee cudurka kansarka,kaas oo la soo saaray sanadkii ย 2008-dii
Hadafka aasaasiga ah ee Maalinta Kansarka Adduunka waa in si weyn loo dhimo qatarta cudurkaasi oo keena ย dhimasho ย iyo in taageero loo muujiyo kuwa uu saameeyay kansarku.
Haddaba,dalka Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka maanta dhigaya ama u dabbaaldegaya xuska maalinta 4-ta Febraayo ee maalinta caalamiga ah ee cudurka kansarka.
Maamulka Wasaaradda caafimaadka XFS iyo ururada dhaqaatiirta dalka,ayaa maaanta ka qeybgalay munaasabadda maalinta kansarka,iyagoo ka warbixiyay halista cudurkaasi,sida looga hortagi karo iyo ย dadaalka ku aadan in si wadajirka ah loo wajaho cudurkaasi .