Garoowe-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Fowsiya Abiikar Nuur ayaa soo gabo gabeysay Shirweynaha Cilmi-baarista Caafimaadka Soomaaliya (The First NIH Health Research Conference) kaa soo ay goobjoog ka ahaayeen saddexdii cisho ee la soo dhaafay Wasiirka Caafimaadka Dwlalad Goboleedka Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan, Wakiilo ka kala socotay dowlad Goboleedyada dalka iyo masโuuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda.
Gunaanadka Shirweynaha waxaa kalmado qiima leh ka jeediyay Safiirka Dowlada Iswiiden u fadhiya dalkeena Soomaaliya Ambassador Per Lindgarde, Wakiilka Ururka Caafimaadka Aduunka ee Soomaaliya, Dr Mamunur Malik.
Safiirka Iswiiden iyo Wakiilka Wakiilka Ururka Caafimaadka Aduunka aya bogaadiyay Shirweynaha iyagoo siwadajir ah u balan qaaday inay Caawinayaan lana Shaqeynayaaan Machadaka Caafimaadka Qaranka.
Wasiirka Caafimaadka XFS Dr Fowsiya Abiikar Nuur iyo Wasiirka Caafimaadka ee Dwlalad Goboleedka Puntland Soomaaliy, Dr. Jama faarax Xasan ayaa u mahad celiayay cidkasta oo ka qeyb qaadatay suuragelinta Shirweynaha Cilmi-baadhista Caafimaadka Soomaaliya ee saddexda maalmood ka socday Magaalada Garoowe โ 30 kii Janwary ilaa 1 Janaayo 2022.