Muqdisho (SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashooyinka dalka, amniga, gaar ahaan ciidanka la geeyay Beledweyne iyo baqdin gelinta argagixisadu ku hayaan ganacsatada Suuqa Bakaaraha.
Shirka ayaa waxaa warbixinno laga dhageystay qaar ka mid ah Wasiirada shirka ka qeybgalay, waxaana xoogga lagu saaray in laga hortago cidkasta oo carqaladeynaysa amniga oo ay ugu horeeyaan argagixisada.
Golaha Wasiirada ayaa go’aamiyay in dib looga soo celiyo ciidankii dhawaan la geeyay magaalada Beladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.