Muqdisho-(SONNA)-Waxaa goordhow lasoo gabagabeeyay doorashada 10 xubnood oo ka tirsan golaha shacabka BFS, taas oo ka kala dhacday magaalooyinka Muqdisho, Dhuusamareeb iyo Garoowe.
Magaalada Muqdisho oo ay yaallaan kuraasta gobollada waqooyi ee maamulka Soomaaliland ayaa maanta lagu doortay saddex mudane oo kala ahaa xildhibaan ,Siciid Maxamed Maxamuud, Ifraax Maxamed Cawad iyo Ismaaciil C/raxmaan Sheekh Bashiir.
Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamul goboleedka Galmudug ayaa waxaa lagu doortay saddex mudane oo kala ah xildhibaan, Saadaq Cumar Xasan (Joon), Maxamed Ibraahim Cali iyo Qaali Axmed Diiriye.
Halka magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland lagu doortay afar xildhibaan oo kala ah, C/qafaar Cilmi Xaange, Fardawsa Cusmaan Cigaal, Xersi Jaamac Gaanni iyo Maxamed C/raxmaan Axmed Xalayle.