Muqdisho-(SONNA)-Waxaa maalintii labaad galay shir sanadeedka garsoorka Soomaaliya oo weli ka socda Muqdisha, kaas oo looga dooday sidii loo heli lahaa caddaalad iyo inay bulshadu hesho garsoor lagu kalsoon yahay .
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha maxkamadaha, xeer ilaaliyeyaal, garsoorayaasha dalka, ururka qareennada,madaxda bulshada rayidka, aqoon yahanno Soomaaliyeed iyo wakiillo ka socda hayโadaha Qaramada midoobay.
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka, Baashe Yuusuf Axmed oo furitaanka shirka ka hadlayay ayaa sheegay inay doorashada dalka kadib muhiimad gaar ah siin doonaan nooca uu noqonayo garsoorka dalka maadaama uu dalka qaatay nidaam federaal ah, sharciyada uu ku shaqeynayana ay noqdaan kuwa la jaanqaada bulshadeena ayada oo la eegayo daruufaha dhaqan dhaqaale.
Qaar ka mid ah aqoon yahannadii madasha ka hadlay ayaa soo jeediyay in meel la iska dhigo isku milanka garsoorka iyo hayโadaha ugu sarreeya dalka si looga fushado dano gaar ah, iyagoo guddoomiyaha maxkamadda sare ka codsaday inuu kulan gaar ah la yeesho dadka dhibbanayaasha ah si u uqiimeyo tabashadooda ay qabaan.
Shirka ayaa lagu wadaa in maanta lagu soo gabagabeeyo magaalada Muqdisho,iyadoo la filayo in ay go’aanno ay ka soo baxaan gabagabadda shirkan.