Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada BFS oo kulan su’aalo–weydiin ah la yeeshay Wasiirka Caafimaadka
    November 9, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka
    November 8, 2025
    RW Ku-xigeenka “Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”
    November 8, 2025
    Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka
    November 8, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo WFP kala hadlay Isuduwidda Howlaha Gargaarka
    November 8, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: QORMO:-MACLUUMAAD KU SAABSAN SOOMAALIDA IYO GARSOOR-DHAQAMEEDKA
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > QORMO:-MACLUUMAAD KU SAABSAN SOOMAALIDA IYO GARSOOR-DHAQAMEEDKA
MaqaalladaWararka

QORMO:-MACLUUMAAD KU SAABSAN SOOMAALIDA IYO GARSOOR-DHAQAMEEDKA

By shiine Shiine
Last updated: January 27, 2022
4 Min Read
Share

Qormo..(SOONN)..Ka salgaaridda,doodaha,is-maan-dhaafka,muranka,gacan ka-hadalka, qulqulatooyinka,xasaradaha iyo asaarka ayaa lagu tilmaamaa astaamaha gorsooridda cuddoon.

Marka aynu ka hadleyno garsoorka iyo qaybihiisa kala duwan wax aan uga jeednaa habkii ay soomaalidu garta iyo garsoorka ba  u qaabayn jirtey.

Garsoorku waa xirfad  laga dheehan karo aqoon ummadeed  iyo farsamo bulsho,marka aan dulmar kooban  ku samayno  habkii iyo xeerarkii soomaalidii hore ku dhaadan jireen  iyo kuwa maanta jooga  waa muuqadaa  faraqa u dhexeeya.

Xaq-siinta,sinaanta,caddaaladda,midnimada,horumarka iyo il-baxnimadu waa astaanta jiritaanka bulsho fiyow,xatooyada, xadgudubka, dulmiga, hagardaamada, galdiga, aabiga, dhaca iyo jowr-falku  waa  astaanta  jiritaanka   bulsho  bugta.

Garta Soomaalidu mar waa “curad” marna waa “ugub” waa curad oo xeer iyo qodob ayaa ka yaalley,haddii ayse “ugub” tahayn waxa loo tumaa xeer iyo sharci hor leh,Jaalle marka aan eegno  ricirka garsoorka iyo   giraanta uu ku wareegayo waxa ka mid ah,Dhiig iyo Dhaqan, Qoon iyo Qadaf, Sir iyo Caad,Balan furyo iyo Been abuur, Anshaxumo iyo Abuur doorrin.

Jaadadka loo qaybin jiray  denbiyada marka garsoorka lagu jiro waxa la oran jirey sidatan:- Ma dhiigbaa mise waa dhaqan? Ma qudh baa mise waa quursi? Ma kamaa mise waa kas? Ma xilaa mise xoolo? Ma mooraa mise waa magan?Ma sokeeyaa mise waa gar cadaawe?

Dhaqanku waa sees muujiya qaybaha  bulshada sida:-biri-mageydada (hoggaamiye dhaqan,culumo ama wadaado,maato, dhulyaal,ergo, magan, socoto iyo  xidid),Geedka garta lagu naqo waxa uu u dhigmaa “Maxkamad” waxana  lagu soo af-meeraa colaadda iyo dhibta aloosan markaas,marana waa gole  Gabayaa, Baane Foolaad iyo nin Qalasa kama maqna wadaad laga ducaysto iyo waranle-duullaan,Marna ardaa-dhaqan oo waxa lagu hayaa yarad-xarrago,sooryo-xidid, gabbaati gole iyo xilo dumar,Soomaalidu waxa ay leedahay garasho ku qotonta sooyaal dhacdo waayo aragnimo guun ah,gudasho  xeel dheer,hilaadin qaran iyo  indheer garad waayeel.

Akhristoow haddii aan sii tibaaxno garsoorkii hore waxa aan helaynaa dhaar-dhaqameed fil weyn ,taa soo lagu dhaarin jirey qofka  lagu tuhmo dhibka iyo jowrfalka,weligaa iyo waqaa,Qoodhaa iyo xeradaa,Dhurkaa iyo dhaqan kaa,Xoogaa iyo xawdaa,garta waxa loo saari-jirey: Boqor caleema saaran, Buuni sheekha ah, Baxdow deeqsi ah, Bir-jeex geesi ah, Baane  gabayaa ah,  Buurariix xidaari ah iyo  Xeer-beegte xamlan.

Mudane,marka aan eegno dhanka denbiilaha falka gaysta waxa loo qaybin jirey:-Qaatil qurgoye ah, Saani xaaraami ah,  tuug maryo madoobeye ah,Dira-diraale naar afuuf ah, Jidgooye jaan-jaaman iyo  Dowdar mubaddar ah. Qofka dhibka iyo aabiga ku kaca waxa lagu xukumi jirey ciqaab u dhiganta  sida:“Hagarbi”oo ah hanti cayiman oo laga qaado labada  dhinac  ee gartu hortaal.

Marna waa “Cisaaro”oo ah ganaax la saaro qofka jabiya xeer guud,Marna waa“Magdhow” oo ah qaddar jaan go’an oo u dhiganta dhibkii uu falay denbiiluhu,Marna waa“Mag”oo ah  diyo in lagu xukumo qofka qurgooyada gaysta.

Marna wa “Mooraduug”oo ah hantida qofka danbiilaha ah oo laga wareejiyo ama xeradiisa  gonta la soo taabto,marna waa “Qur-gooyo” oo ah qisaas “qurgoyn” lagu fuliyo qofka wax dila,marna jeelle waa“Takoorid” taa soo ah in qofka falka xun ku noqnoqda ama caadaysta danbiyada waa weyn in laga takooro  bulshada dhexdeeda  ama laga masaafuriyo.

Gebagebadii iyo gunaanadkii qormadan waxa ku soo afmeerayaa maansadan uu curiyey Abwaan,Cabdulqaadir Cabdi Shube waxa uuna diiradda ku saarayaa qiimaha iyo kaalinta dhaqanku ku leeyahay garsoorka.

Dhacdoba madal bay lahayd Dhiggeed la fil bay ahayd

Dhabbaqo eray bay lahayd

Ninkii dhahay bay lahayd

Ganaax dhigan bay  lahayd

Dhaawacu dhugashuu lahaa

Dhibbaan la sinuu lahaa

Shiikh loo dhiibuu lahaa

Sakiyo dhogor  buu lahaa

Wuxuu ka dhahay ahayd

Dhuungooyo hadday kas tahay

Qisaas dhiibay  lahayd

Dhankeeda kaley  lahayd

Mag dhiibaaley  lahayd

Dharaar la baxshay lahayd

Wax baqol dheer bay lahayd

Sii dhaahin dhammay lahayd

Dhad-dhaad guri bahay  lahayd.

Waxaa Qoray Maxamuud Cali Aadan Hoorri 

Xubin ka mid Guddiga 4-aad ee Afka Soomaaliga Muqdisho.

Xuquuqda Qormada SONNA

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada BFS oo kulan su’aalo–weydiin ah la yeeshay Wasiirka Caafimaadka

Muqdisho(SONNA):-Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka, ay hoggaamineysay Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi,…

November 9, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay xilal cusub

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta u magacaabay Kamaaludiin Daahir Xasan Guutaale inuu noqdo…

GudahaWararka
March 5, 2024

Duqa Muqdisho oo daah-furay mashruuc lagu naleynayo Caasimadda

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah-furay Barnaamijka (MAR KALE IFI MAGAALADAADA) oo…

GudahaWararka
May 2, 2023

Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee BFS iyo Mas’uuliyiin kale oo gaaray magaalada Xarardheere

Xarardheere-(SONNA)-Xildhibaano ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo saraakiil ciidan ayaa maanta gaaray…

GudahaWararka
February 21, 2023

Madaxweynaha koonfur galbeed iyo wafdi uu hogaaminayo oo dib ugu laabtay Baydhabo

Muqdisho-(SONNA) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya Mudane Cabdicasiis Xasan maxamed Lafta-gareen oo Safar Qaatay Maalo Ugu Maqnaa Magaalada Muqdisho…

Wararka
October 6, 2019

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023