SONNA (MUQDISHO)- Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Xukuumadda Fadraalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta soo xiratay tababar mudo afar bilood ah la siinayay shaqaale caafimaad oo la baray hanaanka xakameynta cudurada faafa iyo sidii loo daraasadeyn lahaa qatarahooda si loogu hartago ama wax looga qabto inta aysan bulshada asiibin.
Tababarkaan oo ay qabatay Hay’ada Afined Ayaa u jeedkiisu ahaa in shaqaalaheeda Caafimaadka iyo dhaqaatiirta aqaatiirta Soomaalida ay awood u yeeshaan xakameynta halista ka imaan karta cudurada faafa.