Qaar ka mid ah warbaahinta caalamka ayaa xaqiijiyay in ciidamaada dalka Burkina Faso ay xireen madaxweynihii dalkaas Roch Christian Kabore.
Diblomaasiyiin iyo mas’ulliyin amni ayaa REUTERS u sheegay in madaxweynaha lagu xiray xero ciidan.
Shalay iyo subaxnimadii manta oo isniin ah, meel u dhaw madaxtooyada dalkaasi waxaa ka dhacay is rasaaseyn inkasta oo markii danbe dowladdu shegtay inaysan jirin wax afgenbi ah.
Todobaadki hore, xukuumada dalka Burkina Faso ayaa sheegtay in la xiray dhowr askari oo lagu soo eedeyay inay wadeen afgambi.