Kampala(SONNA):-Dowladda Uganda ayaa ku dhawaaqday inay maanta oo isniin ah dib loo furay iskuulada waxbarashad kadib ku dhawaad laba sano oo ay xirnaayeen, si looga hortgao faafitaanka cudurka Corona.
Wasaaradda waxbarashada Uganda ayaa sheegtay in, in ka badan 8 milyan oo arday ah oo wax ka barta dugsiyada hoose/dhexe iyo in ka badan 4 milyan oo arday ah oo dhigata machadyada sare iyo kuwa farsamada gacanta ay maanta dib ugu soo laabteen xarumaha waxbarashada ka dib ku dhawaad laba sano.
Uganda ayaa ku dhawaaqday in la xiray iskuulada waxbarashada bishii Maarso 2020, wax yar ka dib markii kiiskii ugu horreeyay ee coronavirus laga xaqiijiyay qaaradda Afrika.
Uganda ayaa diiwaan gelisay in ka badan 153,762 xaaladood oo coronavirus ah iyo ku dhawaad 3,339 dhimasho ah, sida lagu sheegay xogta jaamacadda Johns Hopkins ee fadhigeedu yahay Mareykanka.