Muqdisho (SONNA)-Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee ka socda magaaladda Muqdisho ayaa galay maalintii 4aad, iyaddoo madaxdu ka arrinsanayaan qodobbada ajandaha shirka oo sii socon doona inta la isla meel dhigayo dhammaan qodobbada muhiimka ah ee la xiriira doorashooyinka dalka.
Ku-simaha Wasiirka Warfaafinta ahna Wasiir ku xiggeenka wasaaradda Mudane C/raxmaan Shiikh Yuusuf Alcadaala ayaa sheegay in Shirka Golaha wadatashiga qaran uu ku socdo Jawi wanaagsan, islamarkaana qodobo badan la isla gartay, isaggoo rajo wanaagsan ka muujiyey in shirkaan uu kasoo bixi doono Qodobo muhiim u ah masiirka dalka iyo dardar gelinta Doorashada.