Muqdisho-(SONNA)-Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa dilay ugu yaraan sagaal ka tirsan argagixisada Al-shabaab oo saakay weerar gaadmo ah ku qaaday qaybo ka mid ah degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe.
Taliska Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ay SONNA la xiriirtay ayaa xaqiijiyay in madaafiicda iyo rasaasta ay adeegsanayeen Kooxdu ku dhinteen shan qof oo rayid ah kuna dhaawacmeen tiro kale.
Taliska ayaa intaa ku daray inay cashar lama ilaawaan ah u dhigeen maleeshiyaadkii la soo qalday ee weeraray Balcad, meydkooduna uu daadsan yahay duleedka magaalada.
Guddoomiyaha Dagmada Balcad Qaasim Cali Nuur Furdug oo isna la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in Kooxda Argagixisada Al-shabaab ay sadax jiho kasoo weerareen magaalada, damacoodii ahaa in ay magaalada Qasadaan dadkana ku gumaadaa ka laga hortagay.
Xaaladda magaalada ayaa hadda daggan, waxaana soconaya howlgallo ciidamada Xoogga ku baacsanayaan firxadka malleeshiyada Al-shabaab.