SONNA (MUQDISHO)- Afayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimoo ayaa sheegay in Toddobada Xubnood ee ka tirsanaa guddiga xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka loo kala diray sababo la xariira shuruucda ay baal mareen.
Macalimoow oo Wareysi gaar ah siiyay warbaahinta dowladda ayaa yiri “Ma jiri doonaan go’aano ay horay u gaareen xubnaha guddiga xalinta khilaafaadka doorashada oo dib loogu laabanayo.”
Waxa uu sheegay in waxa dhaqan galka ah ay tahay waxa ku cad warqadda Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ka soo baxday ee ah casilaadda iyo magacaabista xubnaha cusub ee guddigaasi ka mid noqonaya.