SONNA (MUQDISHO)- Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Hambalyo ku aadan Maalinta Qaranka u dirtay Shacabka Dowladda aan saaxiibaha nahay ee Qadar.
Qoraal lagu daabacay barta Facebook-ga ee Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu yiri “Waxa aannu hambalyo ku aaddan Munaasabadda Maalinta Qaranka u diraynaa Amiirka, Shacabka iyo Dowladda aannu walaalaha nahay ee Qadar.”
Dowladda Qadar ayaa ka mid ah dowladaha aadka u garab istaagay Soomaaliya tan iyo ka soo kabashada dalkeena ee arimaha Colaadaha iyo dagaalka ay Dowladda Soomaaliya kula jirto Argagixisada.