Muqdisho (SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta ugu qeyb-galay Magaaladda Kampala ee Caasimadda Dalka Uganda Shirka Wasiiradda Difaaca Dalalka Xubnaha ka ah Eastern Africa Standby Force.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa madasha ka Sheegay in DFS ay dadaal badan galisay Dib-u-dhiska Ciidanka XDS , qorshaha kala guurka Ciidanka iyo Hanaanka CXDS ay ula wareegi lahaayeen Amniga Guud Ee Soomaaliya, meel wanaagsanna uu marayo.
Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa waday qorshe Xooggan oo ku aadan Tayeynta ,Tababaridda iyo Qalabeynta CXDS , si loo cirib tiro argagixisadda.