Muqdisho-(SONNA)-Xoghayaha Iskaashatooyinka Beeraleyda gobolka Shabeellada dhexe, Cabdiqani Sheekh Maxamed oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dhibaato badan ay ku qabaan maandooriyaha Xashiishka oo lagu beeray dhulkii ay dalaga ku beeran lahaayeen.
Waxaa uu sheegay in meelaha Xashiishka lagu beero ay yihiin qaar kamid ah tuulooyinka hoos taga degmooyinka Balcad iyo Jowhar, isagoo intaas ku daray in iskaashatooyinka beeraha aysan raali ka aheyd beeridda Xashiishka.
โXashiishka maadaama uu maandooriye yahay haddana ciidda ayuu nabaad guuriyaa, haddii hal fasal lagu beero Xashiishka, ciidda waxay u baahan tahay in la godo ilaa hal mitir is mar kale wax loogu beero,โ ayuu yiri Cabdiqani.
Baaxadda dhulka lagu beero Xashiishka ayuu Cabdiqani sheegay in aysan jirin dhul ballaaran oo lagu beero geedkan balse waxa keliya ay ka faaโideystaan ayaa ah beer uu qofkii lahaa dhintay iyo qaar kale oo lacago badan ay ku kireystaan.
Xoghaye Cabdiqani ayaa tilmaamay in geedka Xashiishka lagu beerayay gobolka Shabeelaha dhexe ilaa 2004, isla markaana maamuladii kala dambeeyay ee gobolka soo maray ay dagaal adag la galeen sidii loo cirib tiri lahaa Xashiishka.