SONNA (MUQDISHO)– Xoghayaha Koowaad ee Ergada Soomaaliya u fadhisa xarrunta Qaramada Midoobay ee Newyork Maxamed Cabdiraxmaan Cumar oo ka qeyb galayay Dood loogga arinsanayay gargaarka arimaha Bini’aadannimo iyo Musiibooyinka oo ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobe ayaa ka warbixiyay xaaladda Abaaraha ee dalka iyo dedaalada ay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ugu jirto taakuleynta dadka ay abaaruhu saameeyeen.
Xoghayaha Koowaad oo ka waramayay shirka uu ka qeyb galay ayaa yiri “Waxaan warbixin ka siinnay xaaladda Soomaaliya ee hadda iyo baahida loo qabo in laga wada shaqeeyo sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinkaas bini’aadannimo ee hadda taagan.”
Sidoo kale Maxamed Cabdiraxmaan Cumar ayaa u mahadceliyay guddiga Abaaraha ee Heer Qaran oo dedaal badan ku bixiyay sidii loo kaalmeyn lahaa dadka ay abaaruhu saameeyeen iyo Madaxweynaha JFS iyo Ra’iisul wasaaraha Dalka.