Muqdisho (SONNA)- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka golaha Wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray warbixino laga dhagaystay Wasaaradaha kala duwan iyo xaaladahii u danbeeyay.
Waxaa falanqayn dheer uu golahu ka yeeshay xaalada abaaraha iyo sidii xal waara loogu heli lahaa, taas oo lagaga baaqsan karo masiibooyinka soo noqnoqday.
Dhinaca kale waxaa golahu uu ka dooday xal u helista bacaha, taas oo saamayn weyn ku leh nolosha bulshada gaar ahaan xeebaha iyo xoolaha nool oo ay dhibaatooyin kala duwan ku hayaan isla markana qeyb weyn ka qaadanaysa nabaad guurka deegaanka.
Arimaha amniga ayaa Wasaaradda amniga laga dhagaystay warbixin la xiriirta xaalada amniga.