Dhuusamareeb-(SONNA)-Wasaaradda Haweenka iyo xuquuqul Insaanka Galmudug oo kaashaneysa hey’adda Save the Children ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ku qabatay xaflad si weyn loo soo agaasimay oo looga hadlay xuquuqda carruurta, gaar ahaan kuwa qaba baahiyaha gaarka ah, kuwa dantayar iyo kuwa ku nool xeryaha barkacayaasha.
Munaasabadda oo sidoo kale lagu maamuusayey maalinta caalamiga ah ee carruurta ayaa waxaa ka soo qeybgalay galay mas’uuliyiin metelayey Wasaaradaha adeegga bixiya ee Galmudug, hey’addaha barakacayasha, qeybaha kala duwan ee bulshada sida naafada, haween iyo macalimiinta waxka dhigga iskuulada caasimadda Dhuusamareeb.
Qaar ka mid ah ka qayb galayaasha ayaa ku dheeraadey ahmiyadda ay leedahay in la sugo xuquuqda carruurta, si gaar ahna loola socdo kuwa qaba baahiyaha gaarka ah iyo kuwa kujira xeryaha bara-kacayaasha.
Agaasimaga Guud ee Wasaradda Haweenka iyo xuquuqul Insaanka Galmudug Maxamed Cali Allaale ayaa si rasmi ah u furay munasaabadan, isagoo xusey in Wasaaraddu ku dadaaleyso daryeelka carruurta.