Dhuusamareeb-(SONNA)-Wasiirka wasaaradda Caddaaladda dowlad gobaleedka Galmudug, mudane Cabdi Maxamed Fiidoow “Baliile” ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ka daah-furay tababar ku saabsan caddaalad u helidda bulshada.
Tababarkan oo ay ka qayb galayaan dad gaaraya 30-Qofood oo ka mid ah howl-wadeenada laamaha cadaalada Galmudug, ayaa lagu baranayaa hannaanka loo maro adeegyada cadaaladda iyo sidii muwaadin kasta loogu fududeyn lahaa in uu cadaalad kuhelo halka uu joogo.
Wasiirka Cadaaladda dowlad gobaleedka Galmudug, mudane Cabdi Maxamed Fiidoow “Baliile” oo tababarkan furay ayaa sheegay in ujeeddadu tahay sidii Galmudug uga dhabeyn laheyd dedaallada ay waddo ee ku saabsan kor u qaadida cadaaladda, taasi oo aas aas u noqon karta dowlad wanaaga iyo in bulshadu ay aaminto maamuladooda ilaa heer tuulo.
Xubnahan ayaa marka uu usoo idlaado tababarka ka howl gali doona goobaha Maxkamadaha kala duwan ee Dowlad gobaleedka Galmudug.