Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka
    February 20, 2026
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Maalinta Calanka Soomaaliyeed 12-ka Oktoobar(warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Maalinta Calanka Soomaaliyeed 12-ka Oktoobar(warbixin)
GudahaMaqaalladaWararka

Maalinta Calanka Soomaaliyeed 12-ka Oktoobar(warbixin)

By Agaasimaha SONNA
Last updated: October 12, 2021
4 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA) Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay sannad guuraddii 67-aad ee ka soo wareegtay maalintii ugu horaysay ee la isku raacay soo bandhigidda naqshadda Calan Soomaaliyeed oo uu hal abuurkeeda lahaa Allaha u naxariistee marxuum Maxamed Cawaale Liibaan.

Xuska 12-ka Oktober waa maalin qaran oo ku wayn quluubta shacbiga Soomaaliyeed,isla markaana ka tarjumaya dadaalkii loo soo galay lahaanshaha calan Soomaaliyeed oo ku yimid rabitaanka dad in muddo ah ku hoos nolaa gumeysi shisheeye.

Soo Bandhigidii Calanka.
Markii loo soo bandhigay Calanka ururka SYL ,dood dheer ka dib waxaa la isku waafaqay Muxaafid iyo Mucaaridba in la qaato Calanka uu soo bandhigay Maxamed Cawaale Liibaan.
Cabdulkadir Cali Boolay oo ka mid ahaa halgamayaashii S.Y.L ayaa yirri”waxaan nasiib u yeeshay in aan goob joog ka ahaa xilligaasi oo lagu soo bandhigay xarunta dhexe ee xisbigii SYL, waxaana cod buuxda la isku waafaqnay in la qaato naqshadda uu soo bandhigay marxuum Maxamed Cawaale Liibaan.

Hase yeeshee markii loo geeyay maamulkii Talyaaniga ayaa diiday oo ku tilmaamay inuu u egyahay Calanka dalka Za’iir iyo kan Jimciyadda Qaruumaha ka dhaxaysa “United Nations-ka” sidaasi darteed aan la ogolayn calan dal leeyahay. Maamulkii Talyaaniga wuxuu ku adkaystay hindisihii uu soo bandhigay marxuum Maxamed Cawaale Liibaan in aan la qaadan Karin isagoo qiil uga dhigaya in uu egyahay calanka dalka Democtatic Republic of Congo Ex. Za’iir.

Balse Maxamad Cawaale Liibaan wuxuu Talyaaniga u sheegay in labada calan aanay isku mid ahayn sababtoo ah Calanka dalkii Za’iire horay loo oran jiray, xiddigta ku dhextaal waa mid Dahabi ama Huruud ah, sidaasi darteed dood dheer iyo wada tashi fara badan ka dib maamulkii Talyaaniga oo xiligaasi maamulaayay koonfurta soomaaliya wuxuu ogolaaday in la qaato calanka buluugga ah xiddigta cad dhexda kaga taallo.

Halgan dheer ka dib ummadda soomaaliyeed waxay ku guuleysatay una suurta gashay in ay yeelato calan aad u qurux badan ,kaasoo ka tarjumaya jiritaanka iyo himilada ummadeed oo ah in la helo soomaali midaysan.Calanka Qaranka Soomaaliyeed oo maanta 67- sano jirsaday, wuxuu ku yimid halgan adag oo ay hoggaanka u hayeen dhallinyaraddii soomaaliyeed xisbigii SYL, kuwaas oo loolan qaraar la galay gumaystayaashii isu soo bahaystay umadda Soomaaliyed.

12-ka Oktobar ee sanadkii1954kii waa maalin xasuus leh oo la soo bandhigay callanka buluugga ah ee xambaarsan sharafta umadda,waxaadna ka dhadhansan karnaa miraha can baxay ee ku jira heesta (Qoloba calankeedu) ee uu ku luuqeeyo Marxuum Cabdullahi Qarshe waxaana ka mid aha:-

“Qolobaa calankeedu waa ceynoo-Innagaa keennu waa – Cirkoo kale’e – ee aan Caadna-lahayn – ee Caashaqa’e – Xiddig yahay Cadi-waad Na Ciidamisee- Caradaan Kaligaa Aadow Curadee – Cadceeda Sideeda Caan Noqo’ee”.

26kii Juun1960kii waa markii ugu horaysay ee calankaasi kifaaxa dheer loo soo maray laga taagay fagaaraha xoriyadda ee magaalada Hargaysa, kadib markii goballada waqooyi ay ka xoroobeen gumaysigii Ingiriiska,afar maalmood kadib, 1dii luulyo 1960kii waxaa ka xoroobay gumaysigii Talyaaniga koofurtii dalka, islamarkaana waxaa israacay labadii gobol ee Waqooyi iyo Koofur, waxaana halkaasi ka dhashay Jamhuuriyaaddii Soomaaliya.

Calanka waa astaanta dalka,in la jeclaado korna loo qaado xuskiisa iyo munaasabaddiisa waa qayb wadaniyadda ka mid ah, taasi dad badan oo Soomaali ah aysan ku baraarugsanayn, waxaana habboon si dareenka wadaniyadeed ee shacbiga kor loogu qaado in manaahijta ardayda dugsiyada loogu dhigo lagu daro maaddoWadaniyadda ku saabsan, si ardayda loo baro qiimaha dalkaiyo halgankii loo soo maray xoriyadda,gaar ahaan halgamayaashii taariikhda galay iyo Qiimaha Calanka iyo astaanta dalku leeyihiin.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran …

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidanka Danab ee XDS oo daawooyin gaarsiiyey shacabka ku nool Balidoogle

Balidoogle(SONNA):-Ciidanka kumaandooska Danab XDS gaar ahaan ururka 161’aad ayaa daawooyin gaarsiiyey qaar ka mida dadka shacabka ah ee ku nool…

GudahaWararka
November 16, 2024

Ciidamado ka tirsan daraawiishta Puntland oo tababar loo soo xiray “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidamada…

Wararka
April 2, 2020

Maxay Deyn Cafinta uga dhigan tahay dalka & dadka Soomaaliyeed?

Muqdisho (SONNA):- Waxaa goordhow lagu dhawaaqay in Soomaaliya laga cafiyay deynta, taas oo ah tallaabo ka qeyb qaadaneysa xoojinta dhaqaalaha Qaranka…

GudahaWararka
December 13, 2023

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo booqday xarunta Warshadaha Tamarta iyo Kiimikada ee Ningdong

Yinchuan(SONNA):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqasho ku tagay xarunta Warshadaha Tamarta iyo Kiimikada…

GudahaWararka
August 27, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023