Muqisho (SONNA)-Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa Maanta Xarunta Midowga Afrika ee kutaala Addis Ababa Kula kulmay Commissioner-Ka Amniga & Siyaasadda ee Midwoga Afrika Ambassador Bankole Adeoye
Mudane Hassan Haji iyo Amb Bankole ayaa shirkooda diirada ku saaray xaaladda Amniga Soomaaliya iyo nooca uu noqon doono howl-galka ciidamada AMISOM laga bilaabo sanadlka 2022.
Ka dib markii uu dhamaaday shirka ayaa Hon Hassan loo sameeyey Kor-meer qeybaha kala duwan ee ay Ka koobantahay Xarunta Midowga Afrika oo ay Ka mid tahay dhismaha cusub oo darbiyadiisa lagu xardhay sawirada aas-aasayaashii Midowga Afrika oo uu Ka midyahay Madaxweynihii ugu horeeyey ee Soomaaliya Mudane Aden Abdulle Osman oo door weyn ku lahaa in dhidibada loo taago Midowga Afrika.