MUQDISHO (SONNA)- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ahna Senator ka la doortay Avv.Xasan Xuseen Xaaji ayaa Maanta ka qeybgalay Munaasabad lagu Dhaarinayay Saraakiil, Saraakiil Xigeenno iyo Cutubyo ka tirsan Ururka 10aad Ee Kumaandooska GORGOR.
Munaasabadda Sidoo kale Waxaa ku sugnaa Saraakiil ka tirsan CXDS , Taliska Xarunta Tababarada Ciidanka Ee Turkisom iyo Masuuliyiin ka socotay Safaaraadda Turkiga Ee Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Avv. Xasan Xuseen Xaaji ayaa tilmaamay in CXDS gaar ahaan Kumaandooska GORGOR ay ka qeyb-qaateen Xorreynta Deegaanno ka tirsan Gobalada Dalka iyo Dagaalka ka dhanka ah argagixisadda.
Sidoo kale Waxa uu sheegay in looga baahanyahay in ay dhowraan sharafta qaranka ay u dhaarteen.
Wasaaradda Gaashaandhigga XFS iyo Taliska Xoogga Dalka ayaa wada qorshe ballaaran oo lagu tayeynayo CXDS.