Muqdisho (SONNA- Deeqdaan oo ka kooban 11 ton oo isagu jirta daawada kahortagga COVID-19 iyo Agabka lala isticmaalo kahortagga cudurka.
Munaasabad kooban oo lagu qabtay gudaha Garoonka Aadan Cabdulle ayaa waxaaย ka qeyb galay, Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya, Siihaayaha Safiirka ahna Qunsulka Masar u fadhiya Soomaaliya, Wasiiro iyo Masโuuliyiin ka socotay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalkaย Soomaaliya oo horey uga dalbatay deeqdan ururka Jaamacadda Carabta.
Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliyaย Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa sheegtay in daawadani la soo gaarsiiyay xilli dalku uu u baahnaa ugama mahadcelinayaan Jaamacadda Carabra.