GAROOWE (SONNA)- Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta daah-furay Ololaha Ururadda Siyaasadda Puntland oo todobaadkan ka billaaban doona degmooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl oo ay ka dhici doonaan doorashooyin hal Qof iyo hal cod ah.
Madaxweynaha ayaa la wadaagay bulshada in shaqo adag laga soo maray in maanta lasoo gaaray ololaha ururadda Siyaasadda iyo codeynta dadweynaha oo ah riyadii bulshada Puntland oo rumowday, wuxuuna bogaadiyay Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), Hayโadda PDRC , Dallada Ururadda Bulshada ee PUNSAA iyo dhammaan dadkii ka shaqeeyay shaqada wanaagsan ee qabsoontay.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Maamulkiisa uu ka dhabeeyay hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland, si awooda shacabka loogu dhoweeyo oo ay madaxdooda usoo doortaan Shacabka, Wuxuuna u mahadceliyay Ururadda Siyaasadda iyo Shacab-weynaha Puntland isagoo u rajeeyay Bulshada tartan Caafimaad qaba.
Puntland gaar ahaan Saddexda Degmo ee kala ah Qardho, Ufeyn iyo Eyl waxaa todobaadkan ka bilowmaya Ololaha Ururadda Siyaasiyadda Puntland oo socon doona muddo bil ah, waxaana degmooyinkaasi ka dhici doonta 25-ka October 2021, Doorasho qof iyo cod ah oo shacabku kusoo dooran doonaan Xildhibaanada goleyaasha deegaanka.