Muqdisho(SONNA)wasaaradda Beeraha Soomaaliya ayaa tababar ku saabsan qaab-beerashada adkeysiga u leh Abaaraha u furtay qaar kamida shaqaalaha Wasaaraddaha Beeraha ee heer Federaal iyo heer Maamul Goboleed.
Qaab-beerista adkeysiga u leh abaaraha , cudrurada iyo aafooyinka, sida ugu wanaagsan ee looga faaโiideysan karo Waraabka iyo la tacaalida dhibaatooyinka ka dhasha isbadalka cimilada ayaa Xooga lagu saari doona mudada shanta cisho ah ee uu socon doono tababrkan oo loogu talo galay inay ka faaโiideystaan shaqaalaha wasaaradaha Beeraha ee heer Federaal iyo heer maamul goboleed.
Tababarka oo ay casharadiisa bixinayaan qubaro ka socota Jaamacada Umadda Soomaaliyeed ayaa waxaa fulintiisa iska kaashanaya wasaaradda Beeraha iyo heyโadda Save the children,Waxaana maalgelinaya Bangiga horumarinta Africa oo soo marsiiyay urur Goboleedka IGAD.
Dr Cabdi Daahir โ madaxa mashruuca Qaab-beerista adkeysiga u leh abaaraha iyo madaxa mashaariicdaย Save The Children- ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya Cali Cabdi Wehliye ayaa ka hadlay muhiimada tababarkan.
Agaasimaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Nuur Yuusuf ย Nuur oo tababarka furay ayaa xusay in barnaamijkanย ay ugu talogaleyn in ay sare ugu qaadaan aqoonta Shaqaalaha Wasaaradaha Beeraha ee heer Federaal iyo heer maamul goboleed, si looga dhabeeyo hadafka ah inuu dalku gaaro isku filnaansho dhanka cuntada ah oo dhameystiran.