Muqdisho-(SONNA)-Mas’uulayiin ka socda Wasaaradda qorsheynta Qaranka ee XFS ayaa Maanta gaaray Magaalada Jowhar, halkaas oo ay kulamo shaqo kula qaadan doonaan qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedka Hirshabeelle.
Wafdigan oo ay hoggaaminayso Agaasimaha Xafiiska Xalka waara ee Wasaaradda qorsheynta Qaranka Marwo; Zahra Cabdi Maxamed ayaa waxay halkaas kulamo kula qaadan doontaa madaxda kala duwan ee dowlad gobaleedkan.
Agaadimaha guud ee wasaaradda qorsheynta dowlad gobaleedka Hirshabeele ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay howlo shaqo la qaadan doonaan madaxda iyo khubarada la socota wafdiga Wasaaradda qorsheynta Qaranka ee XFS, iyagoo tababarro siin doona shaqaalahooda.
Socdaalkan ayaa qeyb ka ah dedaalka lagu xoojinayo awoodda aqooneed iyo sidii xal waara looga gaari lahaa arrimaha barakaca keena sida abaaraha, fahaatada iyo musiibooyinka kale ee dabiiciga ah, iyada oo la tayeeynayo hay’adaha dowlad gobaleedyada.