Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden
    June 1, 2026
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka tacsiyadeeyey geerida AUN Cabdullaahi Abyan Nuur
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka tacsiyadeeyey geerida AUN Cabdullaahi Abyan Nuur
GudahaWararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka tacsiyadeeyey geerida AUN Cabdullaahi Abyan Nuur

By Aadan Sooyaal
Last updated: August 13, 2021
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Allaha ha u naxriistee Guddoomiyihii Guddiga xalinta khilaafaadka Doorashooyinka heer federaal Cabdullaahi Abyan Nuur oo Caawa ku geeriyooday isbitaalka Martiini ee Magaaladda Muqdisho.

“Innaa lillaah wa innaa Illeehi raajicuun anigoo ku hadlaya magaca guddoonka iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka Waxaan Qoyskiisa,Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka heer Federaalka iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeynayaa geerida ku timid Allaha ha u naxriistee Marxuum Cabdullaahi Abyan Nuur oo ahaa Guddoomiyihii Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka heer Federaal oo Caawa ku geeriyooday Magaaladda” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa sheegay in marxuumka uu ahaa shaqsi dalka xilal kala duwan kasoo qabtay islamarkaana uu kaalin weyn kaga jiray dowladnimada Dalka waxa uuna Alle uga baryay Inuu naxriistiisa jano ka waraabiyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed,Guddiga xalinta khilaafaadka oo uu Guddoomiye u ahaa iyo gaar ahaan qoyskiisana uu samir iyo iimaan ka siiyo innaa lillaah wa innaa ileehi raajicuun.

Allaha ha u naxriistee Marxuum Cabdullaahi Abyan Nuur ayaa xilal kala duwan Dalka kasoo qabtay Isagoo mar noqday Wasiirkii Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta ee Xukuumaddii Ra’iisal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) sidoo kale dhamaadkii sanadkii lasoo dhaafay ayaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka heer federaal waxa uuna Caawa ku geeriyooday Isbitaalka Martiini ee Magaaladda Muqdisho.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN.

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Gaashaandhigga oo guddoomiyay shir looga hadlayey Arrimaha Xasilinta

MUQDISHO-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo uu wehliyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda mudane Cumar Cali…

GudahaWararka
August 25, 2024

Maalinta Caalamiga ah ee Waxbarashada

Dalalka caalamka ayaa maanta u dabbaaldegay xuska maalinta waxbarashada oo xambaarsan xuquuq aadane, dan guud iyo mas’uuliyad dadweyne. Golaha loo…

WararkaWaxbarashada
January 25, 2023

Horjoogayaal ka tirsanaa khawaarijta oo lagu dilay Hiiraan

Baladweyne-(SONNA)-Saddex horjooge oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal qorshaysan oo ay ciidamada Hay’adda NISA iyo saaxiibada caalamka ka…

GudahaWararka
September 24, 2025

Taliyaasha Ciidamada AMISOM iyo Ciidanka Xoogga Dalka oo kormeeray taliska Yugaandha ee Muqdisho

Taliyaasha Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Diomede Ndegeya, iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga Soomaaliya Odowaa Yusuf Raage, ayaa maalinimadii shalay…

Wararka
March 4, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023