Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Ra’iisal wasaaraha XFS oo war murtiyeed u soo saaray uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ra’iisal wasaaraha XFS oo war murtiyeed u soo saaray uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka
GudahaWararka

Ra’iisal wasaaraha XFS oo war murtiyeed u soo saaray uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka

By Agaasimaha SONNA
Last updated: August 8, 2021
6 Min Read
Share

Muqdisho…SONNA…War murtiyeedkan ayaa ka soo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha XFS waxaa uu u qornaa sidan.

War Murtiyeed Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka Ra’isul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble sida ay lawada socdaan bulshada Soomaaliyeed, Dalku waxa uu ku jiraa marxalad adag oo dhammaan hay’adaha Dastuuriga ah uu ka dhamaaday muddo-xileedkoodii caadiga ah loona baahanyahay in si xilkasnimo leh looga gudbiyo dalka marxaladan kala guurka ah.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Xukuumaddiisu waxa ay xilka fulinta ee Dalka la wareegtay xilli aad u adkaa oo Soomaaliya ay wajahaysay xiisado gudaha iyo dibadda ah, kuwaas oo keenay in lagu sigto in dalku uu ku noqdo burbur iyo colaado sokeeye.

Ra’iisul Wasaarahu isaga oo maanka ku haya mas’uuliyadda Qaran ee saaran waxa uu dadaal wayn ku bixiyay sidii dalka looga badbaadin lahaa marxaladaas adag, wuxuuna u hawlgalay sidii loo dajinlahaa Xiisadaha Gudaha iyo kuwa dibadda, iyadoo la ilaalinayo danaha Shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiiradu waxeey ku guulaysteen toban bilood ka dib in uu muuqdo isbadal wayn oo ku yimid muuqaalka qaranka ee gudaha iyo dibadda, taas oo keentay in maanta dalka ay ka bilawdeen Doorashooyin nabdoon oo dhinacyadii kala fogaaday wada aqbalsanyihin, isla markaana si tartiib tartiib ah uu usoo noqonayo Cilaaqaadka dublamaasiyadeed ee ay Soomaaliya la leedahay dalalka dariska ah, Ururada iyo Dawladaha kale ee danuhu inagala dhaxeeyaan.

Tilaabooyinka xalinta mushkuladda gudaha ee uu qaaday Ra’iisul wasaaruhu waxaa ka mid ah hagaajinta wadashaqaynta Dawladda dhexe iyo Dawladaha Xubnaha ka ah, furista masraxa siyaasadda, si Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee leh hanka loogu diyaariyo jawi xasiloon oo ay aamini karaan, dhisidda kalsoonida Bulshada ee hanaanka Doorashooyinka iyo wadashaqaynta saaxiibada beesha Caalamka ee na garab taagan.

Si la mid ah arrimaha Diblomaasiyadda. Ra’iisul Wasaaraha isaga oo garawsan in aanay Soomaaliya wax dan ahi ugu jirin in uu xumaado xiriirka ay la leedahay dariskeeda iyo dunida inteeda kale, wuxuu dedaal ku bixiyay in Soomaaliya ay cilaaqaaad ku dhisan simanaan la yeelato dalalka muhiimka u ah, isagoo socdaal ku tagay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, sidaas oo kale wuxuu wadahadallo la bilaabay dalka Kenya iyo qaar ka mid ah wadamada Carabta kuwaas oo uu inagala dhaxeeyaan xiriirro dibliomaasiyadeed, amni ,ganacsi,waxbarasho ,ama marti galiya qaxooti iyo dad Soomaaliyeed oo deganaansho ku leh kuwaas oo ay mas’uuliyad ka saarantahay Dawladda Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in wada xaajoodyada lagu hagajinayo xiriirka dibadeed ee Soomaaliya ay yihiin kuwa dhawraya Madaxbanaanida iyo Siyaadda Qaranka Soomaaliyeed oo waajib dastuuri ah uu ka saaranyahay Ra,iisul Wasaaraha iyo Xukuumddiisa, dhanka kalana xeerinaya Danaha Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyo dhimista nooc kasta oo ah nacayb iyo colaad laga maarmi karo.

Dedaalada kor ku xusan waxa ay marayaan meel wanaagsan oo u baahan in horay loosii wado iyada oo yoolku uu yahay in R/Wasaaruhu gaarsiiyo kuna wareejiya Xukuumadda dhalan doonto ,Soomaaliya xasilooni ,nabad ah oo xiriir wangaagsan la leh dariskeeda iyo dunida inteeda kale.

Hadaba, iyada oo ay socdaan shaqooyinkaas wanaagsan ayay soo muuqatay baahida loo qabo jihaynta qaabka xil gudasho ee hay’adaha Dawladda marxaladda soo socota, sidaas awgeed,

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah oo cuskanaya Qodobka 97-aad faqradiisa 1-aad ee Dastuurka KMG ah, awoodda fulinta ee Jamhuuriyadda Federaalka ah waxaa leh golaha Wasiirrada, waxayna u qabanayaan sida Dastuurka ku tilmaaman, waana hay’adda ugu sarreyso fulinta maamulka dalka.

Xukuumaddu waxa ay sidoo kale mas’uuliyad ka saaran tahay Dhaqangelinta shuruucda, sugidda nabadgelyada dalka, ilaalinta danaha dalka iyo Dadka Soomaaliya, sidaas la mid ah Dastuurka Qaran ayaa u xilsaaraya Xukuumadda Federaalka ah wada-xaajoodyada la xiriira Kaalmada Dibadda, ganacsiga, cahdiyada ama arrimaha muhiimka ah ee laxiriira hishiisyada caalamiga ah.

Sida ku cad Qodobka 103 ee Dastuurka Jamhuuriyadda, inta u dhexaysa taariikhda doorashada guud iyo marka Raisul-Wasaare cusub la dhaarin doono, Raisul- Wasaaraha xilka haya iyo golihiisa Wasiirradu waxay sii haynayaan xilka, waxayna fulinayaan waajibaadka caadiga ah ee Dawlada si xilgaarsiin ah taas oo Ra’iisul Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirada u fasaxaysa in ay si caadi ah u fuliyaan waajibadka Qaran ee Dastuurku saaray isla markaana Meesha ka saaraysa in wax hakad ah ku yimaado shaqooyinka Dawladda.

Hadaba, iyada oo laga ambaqaadayo Qodobada Dastuuriga ah ee kor ku xusan, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, wuxuu farayaa dhamaan hay’adaha Dawladda in ay si caadi ah u gutaan Waajibaadkooda shaqo si waafaqsan Dastuurka KMG ah, joogteeyaanna adeegyada loo hayo shacabka Soomaaliyeed iyo ilaalinta hantida iyo danaha guud ee Qaranka, iyagoo xusuusan isla markaana dhawraya go’aamadii uu horay usoo saaray Ra’isul Wasaaraha.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo…

April 21, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Kulan loogu duceynayay AUN Wasiir Khadiija Mohamed Diiriye oo lagu qabtay magaalada London

London (SONNA):- Waxaa magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska ka dhacay kulan tacsi ah oo loo sameeyay geeridii ku timid…

GudahaWararka
December 26, 2023

Madaxweyneyaasha Soomaliya iyo Turkiga oo khadka Telefone-ka ku wada xiriiray

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Rajab Dayib…

GudahaWararka
June 1, 2023

Ra”iisul wasaare Xamse oo magacaabay Guddida qaban qaabada Aaska Guddoomiye Jawaari

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Guddiga Aaska Qaran ee Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka…

GudahaWararka
June 29, 2024

Madaxweynaha Galmudug oo shir gudoomiyay kulanka Isbuuclaha ah ee Golaha Wasiirada.

Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada ee Dowlad goboleedka Galmudug oo maanta…

GudahaWararka
January 5, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023