Muqdisho (SONNA)-Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka mid ah Madaxda ka qeyb qaadaneysa shirka Caalamiga Waxbarashada ee London ayaa ka qeyb galay falanqeyn ku saabsan Waxbarashada oo ay ku wehliyeen Madaxweynayaasha dalalka Sierra Leone iyo Niger.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa nasiib darro ku tilmaamay, in khilaafaadka iyo masiibooyinka dabiiciga ee ka jiray Soomaaliya sanado badan ay si weyn u ragaadiyeen Waxbarshada, gaar ahaan xilligii uu sida weyn sare ugu kacay Cudruka Carona dunida oo dhan, taas oo ay Soomaaliya u dheertahay dagaalka ay kula jirto kooxda argagaxisada ah ee Al-Shabaab.