Ankara-(SONNA)-Ciidamada badda dalka Turkiga ayaa gacanta ku dhigay in ka badan 231 tahriibayaal ah, kuwaas oo kusii jeeday waddama reer Yurub.sida ay maanta oo Arbaca ah sheegtay hay’adda socdaalka Adduunka ee IOM.
Ciidamada Badda Turkiga iyo hay’adda socdaalka Adduunka ee IOM ayaa maanta oo Arbaca ah sheegay in 200 oo ka mid ah muhaajiriintan ay u dhasheen dalka Turkiga, halka inta kalena ay kasoo kala jeedaan waddamada Suuriya, Iran, Eretrea iyo Pakistan.
Muhaajiriintan sharci darrada ah ayaa waxa uu safarkooda koobaad ku wajahnaa Talyaaniga, halkaas oo ay doonayeen inay kaga sii gudbaan waddamada kale ee reer Yurub, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidamada badda ee dalka Turkiga.
Ciidamada badda Turkiga ayaa xabsiga dhigay laba muwaaddin oo kaxaynayay doonida ay ku safrayeen tahriibayaasha.
Turkiga ayaa wajahaya qul-qulka cusub ee muhaajiriinta Afghanistan, kuwaas oo kasoo tallaabaya xadka uu dalkaasi la wadaago Iran, waxanay saraakiisha xudduuduhu sheegeen inay xireen todobaadkii aynu soo dhaafnay oo keliya 1,500 qof oo muhaajiriin sharci darro ah.