Muqdisho (SONNA)-Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka ย Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, isagoo ku hadlaya magaciisa, kan dowlad goboleedka iyo ka shacbiga Galmudug wuxuu dhambaal tacsi ah u dirayaa dhammaan qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii, iyo bahda dhaqanka ee uu ka baxay Allaha u naxariistee Ugaas Axmed Barre Cali (Taakooy) oo kamid ahaa hoggaamiyeyaasha Dhaqanka Galmudug.
Madaxweynaha Galmudug wuxuu marxuumka ku sifeeyey hoggaamiye dhaqan, oo udub- dhexaad u ahaa nabadda iyo dib-u-heshiisiinta Gobolka Galgaduud, waxaana lagu xasuusan doonaa doorkiisii dhismaha maamulka Galmudug 2015.
Mudane Axmed Kaariye wuxu marxuumka ย Alle uga baryay inuu naxariistii janno Eebbe ka waraabiyo, samir iyo iimaan saadiqana ka siiyo ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay.
INAA LILAAHI WAA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.