In ku dhow 29 ruux ayaa dhimatay,50-kalana waxaa loola cararay cisbitaal,kadib markii diyaarad xamuul ah oo ay leeyihiin ciidamada dalka Filibiin ay isku dayday in ay soo cagadhigato dhabbaha garoonka jasiirada Jolo, oo kun-km koonfur ka xiga caasimada Manila ee dalkaasi.
Diyaaradasi ayaa lagu waramay in ay sidday 92- ruux oo isugu jiray shaqaale mileteri iyo ciidamo.
Taliyaha militariga Janaraal Cirilito Sobejana ayaa saaka saxaafada u sheegay in ugu yaraan 50 qof laga soo badbaadiyay burburka diyaarada C-130,ka dib kolkii ay isku dayday in ay soo cagadhigato wadada garoonka diyaaradaha,balse la sheegay in ay u suurtagali weysay.
Diyaaradaan burburtay ayaa ka mid aheyd diyaaradihii ay dhawaan lawareegeen ciidamada Filibiin bishii Febraayo ee lasoo dhaafay,waxayna daabulaan ciidamada iyo shaqaalaha mileteriga.
Shilkan ayaa dabasocda diyaarad Helicopter ah oo loo yaqaan Black Hawk oo bur burtay bishii la soo dhaafay,xilli ay ku guda jirtay tababar,waxaana ku dhintay dhammaan lixdii qof ee la socday.