Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    DF oo xoojineysa Gurmadka Dadka Danyarta ah
    October 19, 2025
    Wasiirka Howlaha Guud ee XFS oo kulmay Wafdi ka socda Dalka Vietnam
    October 19, 2025
    Codbixiyaal gaaraya 923,220-Qof, oo iska Diiwaangeliyay Gobolka Banaadir
    October 19, 2025
    Saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga oo tababar uga furmay Muqdisho
    October 19, 2025
    Danjire Ilyaas Cali Xasan oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Kinshaasa
    October 19, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo ku daah-furay Muqdisho Siyaasadda Qaran ee Qurbajoogta Soomaaliyeed
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo ku daah-furay Muqdisho Siyaasadda Qaran ee Qurbajoogta Soomaaliyeed
Gudaha

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo ku daah-furay Muqdisho Siyaasadda Qaran ee Qurbajoogta Soomaaliyeed

By Agaasimaha SONNA
Last updated: July 3, 2021
2 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA)- July 03, 2021 – Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan, ayaa Maanta oo Sabti ah daah-furay Siyaasadda Qaran ee Qurbajoogta Soomaaliyeed, kadib xaflad lagu qabtay Caasimadda Muqdisho oo ay goobjoog ka ahaayeen tiro badan oo Wasiirro ah, Xildhibaanno iyo Madaxa Ergada Hey’adda Caalamiga ee Socdaalka (IOM) ee Soomaaliya, Mudane Richard Danziger.

Hadal uu xiritaanka xafladda ka jeediyay ayaa Mudane Balal Cusmaan waxa uu sheegay in Qurbajoogta Soomaaliyeed ay kaalin wax ku ool ah ku leeyihiin dowlad dhisidda iyo maalgeshiga dalka, isagoo tilmaamay in Siyaasadda Qaran ee Qurbajoogta Soomaaliyeed ay ka jawaabeyso dalabyo dhowr ah oo ay ka mid tahay xiriir adag oo u dhexeeya dowladda iyo qurbajoogta, iyo weliba xoojinta isdhexgalka iyo dhaqanka iyadoo loo marayo shirar, isu imaatinno bulsho iyo doodo wax dhisid ah.

Wasiirro iyo mas’uuliyiin dhowr ah ayaa munaasabada ka hadlay, oo ay ka mid tahay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, Marwo Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiiru dowlaha Tamarta iyo Biyaha, Marwo Shukri Maxamuud Afrax, Wasiiru dowlaha Amniga Gudaha, Mudane Farxaan Cali Axmed, Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji iyo Guddoomiyaha Madasha jilaayaasha aan dowliga ahayn, Mudane Cusmaan Muxiyaddiin Macallin Shaatax.

Hadal uu ka jeediyay madasha Agaasimihii hore ee Waaxda Qurbajoogta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdi Cali, ayaa soo dhoweeyay agaasimaha cusub ee lagu bedelay, Mudane Maxamed Ibraahim Cawaale, isagoo ku xil-wareejiyay, waxa uu tilmaamay inuu si lixaad leh u shaqeeyay labadii sano ee uu xilkani hayay, gaarsiiyayna guulo badan, isagoo xusay in qurbajoogta Soomaaliyeed ay gacan weyn ku leeyihiin hore u dhaqaajinta dhaqaalaha Soomaaliya, iyagoo taasi u maray taageerada qarashaatka lacageed ee sida billaha ah ay ugu diraan qoysaskooda, ama abuuridda rugo ganacsi ama maalgelin aan toos ahayn, ama maalgeshiga qeybo kala duwan.

#Soomaaliya #Soomaali #Muqdisho #Diaspora #SomaliDiaspora

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

DF oo xoojineysa Gurmadka Dadka Danyarta ah

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa…

October 19, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Taliska Booliiska Soomaaliya oo faah faahin ka bixiyay qarixii saakay ka dhacay Ceelasha Biyaha

Muqdisho-(SONNA)-Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo faah faahin ka bixiyay qarax saakay ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa sheegay in ciidamadda…

GudahaWararka
October 21, 2023

Ra’iisal wasaare Xamse oo qaabilay danjiraha Bariga Afrika u qaabilsan dowladda Malaysiya

Muqdisho (SONNA): Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Bariga Afrika…

GudahaWararka
October 25, 2023

Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray ciidamo katirsan xoogga Dalka

Muqdisho(SONNA):-Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdinuur Daahir Fiidow ayaa dugsiga tababarka Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Turk-Som tababar ugu soo…

GudahaWararka
September 11, 2023

Guddiga doorashooyinka Puntland oo shaaciyey Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya ergada afar kursi oo laga soo dooranayo Puntland

Garoowe-(SONNA)-Guddiga maamulka doorashooyinka dowlad goboleedka Puntland ayaa goor dhow shaaciyey Odayaasha dhaqanka iyo xubnaha bulshada rayidka ee so xulaya ergada…

GudahaWararka
January 23, 2022

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023