SONNA (MUQDISHO)- Waxaa Magaalada Muqdisho ku geeriyooday General Cabdulqadir Cali Diiriye (Subxaanyo) oo soo noqday taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.
Gen. Cabdulqaadir ayaa la xaqiijiyay in maalmihii u danbeeyay uu xanuunsanayay.
Raโiisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyay geerida Jananka waxa uuna yiri:
โNaxariistii Janno Allaha ka waraabiyo General Cabdulqadir Cali Diiriye (Subxaanyo) oo ahaa ruug caddaa ciidan iyo waayo arag dalka iyo dadka ugu soo shaqeeyay si daacadnimo iyo geesinimo leh. Waxaan geeridiisa uga tacsiyeynayaa qoyskiisa iyo Qaranka Soomaaliyeed.โ Ayuu yiri Raโiisul Wasaaraha dalka.