Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Caddaalada XFS ayaa degmada Waajid wuxuu ku kulmiyey dhalinyarada degmadasi si uu oga xogwaraysto xaaladaha ay ku sugan yihiin madaama ay ku Nool yihiin magaalo ka go’doonsan wadooyinkii ay wax u soomaari lahaayeen.
Dhalinyarada ayaa wasiirka la wadaagay in baahida ugu weyn oo ay qabaan ay tahay inay helaan Ammaan iyo xarumo ay wax ku bartaan si ay jiilka iyaga la mid ah wax u la qaybsadaan,iyaga oo muujiyey in aysan wax niyad jab ah ku hayn caqabada ay kala kulmayaan Maleeshiyada Al -Shabaab.
Wasiirka Caddaalada Soomaaliyaย Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa dhalinyarada u sheegay in marnaba ay cabsi galin culeeska argagixisada isaga oo kula dardaarmaya in muhiimada ay saaraan waxbarashada oo fure u ah mustaqbalka qof waliba oo dhalinyara ah.
Sido kale Wasiirka Caddaalada iyo guddoomiyaha degmada Waajidย ayaa la kulmay odayasha dhaqanka kulankaas ooย si weyn loogu soo hadal qaadayย caqabadaha haysta shacabka degmada ku nool iyo sidii loogu furi lahaaย wadooyinka u xeran Al-Shabaabย si ay u soo laabatoย ย Nolosha iyo hormarka bulshada Waajid.