Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Gobolka Shabeelaha dhexe kudilay Horjooge iyo Maleeshiyaad badan oo katirsan Argagixisada Al-shabaab.
Kadib howlgal qorsheeysan oo ay ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka Soomaaliyeed kafuliyeen degaano katirsan gobolka shabeelaha dhexe ayay ku qaarijiyeen horjoogihii maleeshiyaadka ama waxa ay ugu yeeraan jabhada kooxda nabadiidka ah Al-shabaab ee uqaabilsanaa gobolka Shabeelaha dhexe iyo 30 maleeshiyaad ah.
Howlgalka oo kadhacay tuulada Jalable ee gobolka Shabeelaha dhexe ayaa waxaa fuliyay kumaandooska Xogga dalka ee Gor-gor iyo ciidanka Daraawiishta Hirshabeele.
Horjooagaha ay ciidanka xoogga dalka qaarijiyeen ayaa waxaa lagu magacaabaa Jaamac Dheere iyo 30 maleeshiyaad ah oo lasocday iyo sidookale tuuladaasi Jalable lagu dhaawacay 24-kale oo katirsan argagixisada Al-shabaab.
Afhayeenka Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Col:Cali Xaashi oo lahadlay Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa ciribtirka maleeshiyaadka nafla caariga ah ee Al-shabaab.
Wuxuuna tilmaamay in howlgalada kasocda gobolka Shabeelaha dhexe jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda nabadiidka ah ee Al-shabaab.
Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay gobolka Shabeelaha dhexe kawaday howlgalo qasaare badan lagu gaarsiiyay kooxda argagixisada Al-shabaab.