Muqdisho(SONNA):-Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay maanta oo isniin in muwadiniinteeda loo ogolaaay inay dhali karaan hadda kadib 3 carruur ah.
Bayaan kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in goโaankaan uu qeyb ka yahay siyaasaddaย guud ee wax looga qabanaayo gabowga kusoo badanaaya dadka Shiinaha .
Dowladda ayaa intaas ku dartay inay taageeri doonto hirgeinta goโaankaan cusub.
Dowladda Shinaha ayaa 2016-kii ogolaatay in la dhali karo 2 carruur kadib markii ay yaraadeen dhalinyarada dalkaas.
Waxaa xusid mudan in dowladda Shiinuhu mamnuucday 1979-kii in la dhalo hal cunug ka badan, si looga yareeyo kororka dadka Shiinaha.