Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo war muhiim ah soo saaray
    November 16, 2025
    Arday Soomaaliyeed oo Bandhig dhaqameed kaga qeyb galay Shiinaha
    November 16, 2025
    Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo xaqiijisay xadgudub sharci-daro ah oo lagu beegsaday e-TAS
    November 16, 2025
    Agaasimaha cusub ee Warfaafinta Xukuumadda FS oo xilka la wareegay
    November 16, 2025
    Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta oo ka digtay macdan qodis sharci-darro ah
    November 16, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadahaย (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Talo loo dhan yahay ayaa lagu tanaadaa (warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Talo loo dhan yahay ayaa lagu tanaadaa (warbixin)
GudahaMaqaallada

Talo loo dhan yahay ayaa lagu tanaadaa (warbixin)

By Kulane
Last updated: May 30, 2021
6 Min Read
Share

Wadatashi waa nidaam aasaasi ah oo aan looga maarmin in la helo talo loo dhan yahay oo lagu dhiso maamul bulshao iyo mid dowladnimo, oo horseeda in la gaaro xal oo loo daneeyo umadda.

Marka laga yimaado shirkii wadatashiga ee hiigsiga cusub oo ahaa kii ugu ย dambeeyay ee dhacay 2015-kii,waxaa afartii sano ee la soo dhaafay gudaha dalka iyo dibadda ka qabsoomay kulammo u dhexeeyay madaxda Dowladda Fedraalka ah, Dowlad Goboleedyada iyo Beesha caalamka,kuwaas oo la xiriiray sii ambaqaadidda qodobo horay u degsanaa oo ay ka mid ahaayeen ย xoojinta amniga,kobcinta dhaqaalaha, dedejinta dhismaha ciidamado isku dhafka ah iyo qaabka ugu habboon ee loo suurtagelin karo dhameystirka dastuurka iyo qabsoomidda doorashooyin la isla wada ogol yahay .

Inkastoo sanadkii tagay iyo horaantii sanadkaan ay dhaceen buuq iyo hakad hareeyay shirar dhowr ah,haddana,kualamadaasi wadatashiga waxay soo mareen marxaladaha soo socdaโ€.

December 6, 2017-kiiย waxaa Magaalada London lagu qabtay ย wajiga 2-aad ee shirkii wadatashiga arrimaha Soomaliya, waxaana kulankaasi uu noqday mid miro dhal ah, Kadib kolkii dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ay soo bandhigeen sida ay u arkaan in lagu gaari karo xalka Soomaaliya,gaar ahaan mustaqbalka dhow .

18-kii Agoosto 2018-kii waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay Shirkii wadatashiga oo ku saabsanaa diyaarinta hannaanka qaran ee dib u heshiisiinta Soomaaliya.

15-kii Maarso 2020 ,waxaa Magaalada Garowe lagu qabtay shir wadatashi ah oo ay ka qeybgaleenย xubnaha Puntland ku matala Dowladda Federaalka ee Soomalaiy,waxaana shirkaasi lagu fallanqeeyay xal u helidda khilaafka u dheeyay Dowladda Federaalka iyo kan Puntland.

September 17, 2020 waxaa qabsoomay Shir ay yeesheen Madaxda Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ,kaas oo ka dhacay magaalada Mugdisho intii u dhaxaysay 13 -17-kii,waxaana uu daba socday shirar ka dhacay Dhuusamareeb oo lahaa wajigii koowaad,labaad iyo sadexaad.

February ,3- 5-tii , 2021,waxaa Magaalada Dhuusamareeb ka dhacay shirkii wadatashiga ee Madaxweynaha iyo madaxda maamul-goboleedyada ,wuxuuna gabagabadii keenay khilaaf dhaliyay in lagu kala dareero.

6-dii Februaryย 2021- Madaxweyne Farmaajo ayaa la hadlay Golaha Shacabka, isagoo Puntland iyo Jubaland ku eedeeyay masuuliyadda fashilka shirkii Dhuusamareeb.

10-16-kii Febaraayo 2021-ka ,waxaa Magaalada Baydhaboย  lagu qabtay Shirka Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashada Federaalka,kaas oo looga hadlay wax ka qabashada cabashooyin laga soo gudbiyay, qaar ka mid ah xubnaha guddigga doorashooyinka ,,kuraasta Somaliland,Xaaladda Gobolka Gedo ,Adkaynta qoondada haweenka iyo diyaarinta Jadwalka qabsoomidda doorashada.

22-kii Marchย 2021 โ€“Waxaa mar kale Magaalada Muqdisho,gaar ahaan Xarunta Afisiyooni ka furmay Shirkii Wadatashiga Qaran oo horay u baaqday 15-kii Februaryย 2021.

7 Aprilย 2021- Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cusmaan Abuukar Dubbe, ayaa ku dhawaaqay in uu fashilmay shirkii,sababna ay u yihiin madaxda Puntland iyo Jubaland.

12-kii Apriil ee sanadkaan,Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u codeeyay muddo laba sano ah oo lagu kordhiyay muddo xileedka dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo,taasina waxay dhalisay in tallaabadaasi ay diidaan madaxda mucaaradka iyo beesha caalamka.

1-dii May 2021, Madaxweyne Farmaajo ayaa Golaha Shacabka ka dalbaday in laga noqdo xeerkii muddo kordhinta,wuxuuna arrimaha doorashooyinka ku wareejiyayRa’iisul Wasaare Rooble,iyadoo isla maalintaasi Golaha Shacabka ay laaleen muddo kordhintaasi.

Haddaba,Waxaa Magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay kulanย wadatashi oo la xiriiray dhameystirka shirar taxane ahaa iyo qabashada hannaan doorasho oo ay ku wada qancaan Madaxda Dowladda Federaalka, kan Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Shirkaan oo socday mudadii u dhaxeysay 22-ka illaa 26-ka bishaan,waxaa saxiixaย heshiiska doorashooyinka dalka qallinkana ku duugay Raโ€™iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble,Madaxweyneyaasha Dowladgoboleedyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Waxaa dhab ah in hogaamiyaasha dalka ay la yimaadeen ย isu tanaasul iyo wax wada qabsi ku aadan qaabka loo socodsiinayo arrimaha doorashooyinka ,iyadoo la qaadayo hal waddo oo lagu ilaaliyo danta guud ee dadka iyo dalka .

Biseylka siyaasadeed ee ka muuqda madaxda Soomaalida iyo waaya aragnimada bulshada ee laga dhaxlay waqtiyadii la soo maray,waxay na tusayaan in xilligaan laga gudbay caqabado iyoย turaanturooyin ku gudbanaa geedi socodka arrimaha doorashooyinka dalka.

Shirkaan oo ahaa mid muhiim ah oo ka duwanaa shirarkii hore, una dhacay si habsami leh ,waxa uu suurtagaliyay in loo hogaansamo shuruucda dalka, laguna dhaqaaqo qabashada doorashooyin madaxtinimo oo horseedda dhismaha dowlad sal adag oo u adeegta dadka ,dalkana gaarsiisa barwaaqo.

Bacdamaa, wadatashigu uu yahay mid qeyb ka ah aasaaska hannanka dowladnimo,isla markaana lagu saxo maaulka qaranimo,waxaa xaqiiqo ah in hogaamiyaasha Soomaalida waqtigaan ay garteen danta guud,loona xilsaaran karo masiirka umadda iyo horumarka dalka.

Wadatashiyada xilligaan ee ka dhacay ย gudaha Dalka Soomaaliya,waxa ay keenayaan in dadka Soomaaliyeed ku midoobaan dantooda,isla markaana laga baxo marxaladda cakiran ee siyaasadda, colaadaha sokeeye iyo in la xoojiyo dhismaha Qaranka Soomaaliya.

Talo loo dhan yahay ayaa lagu tanaadaa,sidaa aawaded,ย waxaa farxad ah in gunaanadkii shrka ay ka soo baxeen goโ€™aanno qiimo leh oo wax dhisa iyo xal waara oo lagu badbaadiyo qaranka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn shacbiga Soomaaliyeed waxa la gudboon in ay ka qeybqaataan horumarka dalka,gacanna ka geystaan dadaalka dowladdu ay ugu jirto soo celinta nidaamka iyo kala dambeynta sharciga.

W/Qoray Shire Xasan Kulmiye

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo war muhiim ah soo saaray

Muqdisho,(SONNA):- Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha(GMDQS) isaga oo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah, fulinayana…

November 16, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiir Daa’uud Aweys” Marna ma aqbali doono gardarada qaawan ee Dowladda Itoobiya u bareertay,”

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Daa'uud Aweys ayaa khadka fogaan aragga ah kala qeyb galay…

GudahaWararka
January 27, 2024

Danjire Cabdicasiis Maxamuud oo waraaqihii aqoonsiga ku wareejiyay Madaxweynaha Poland

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee aan deganayn Cabdicasiis Maxamuud Maxamed ayaa warqadaha aqoonsiga ku wareejiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Poland Andrzej Duda.…

Gudaha
July 4, 2025

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo Hambalyo u Diray Wakaaladda SONNA oo maanta u dabaaldagaya sanadguurada 59-aad

Muqdisho (SONNA)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Xajir Ducaale ayaa Hambayo u diray…

GudahaWararka
January 5, 2023

Soomaaliya iyo saameynta Isbedelka Cimilada

Inta badan Dunida waxaa sanooyinkii ugu dambeeyay soo kordhaayay Abaaro, Daadad, Fataahado iyo wixii la mid ah, kuwaasi oo halis…

EnvironmentGudahaMaqaalladaWararka
August 1, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023