Muqdisho (SONNA)-Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in 42 kun oo ardey ay u fariisaneyso Imtixaanka sanad dugsiyeedka 2020-2021 oo Barri ka bilaabanaya dalka.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Mudane Maxamed Caabi Xasan ayaa ardayda ugu baaqay inay si kalsooni leh ku galaan Imtixaanka, isagoo u rajeeyey inay guuleystaan.
Maalinta berri oo Sabti ah ayaa lagu wadaa inuu si rasmi ah u bilowdo Imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiga Sare.