Muqdisho (SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Isxaaq Cali Subug ayaa maanta shir-gudoomiyey shirka golaha Amniga Koonfur Galbeed oo todobaadkan aad looga hadley sidii wax looga qaban lahaa dhacdooyinkii maalmahan ka dhacayay magaalada Baydhabo, kuwaasi oo nabadiidka Al-Shabaab ay ku dooneyeen in ay ku qal-qal galiyaan amaanka magaalada.
Wasiirka Amnig gudaha ee Koonfur Galbeed ayaa saraakiisha laamaha ammaanka farey in ay joogteeyaan howlgallada lagu xaqiijineyo Nabadgelyada magaalada Baydhabo.
Mudane Isxaaq Cali Subug ayaa bulshada ka codsadey inay la shaqeyaan laamaha amaanka si looga hortago falalka amni darada keeni kara.
Shirka waxaa ka qeyb galay saraakiisha ciidamada Xoogga Dalka Qeybta 60aad, Saraakiil ka socotay booliska, nabad sugidda, UK, AMISOM iyo sarakiil kale.