Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden
    June 1, 2026
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ee Arimaha Doorashooyinka oo galay Maalintii labaad
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ee Arimaha Doorashooyinka oo galay Maalintii labaad
Gudaha

Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ee Arimaha Doorashooyinka oo galay Maalintii labaad

By Agaasimaha SONNA
Last updated: May 23, 2021
3 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA)-Shirka Golaha wada tashiga Arimaha Doorashooyinka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya & Madaxda Maamul goboleedyadda Xubnaha ka ah DFS oo uu saldhig u yahay heshiiskii 17-ka September lagu gaaray magaalada Muqdisho, oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho ayaa maanta galay maalintii Labaad.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlay shalay  markii  uu kulanku soo dhamaaday waxa wuu yiri “Waxaa  si wanaagsan noogu furmay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka. Madaxweyneyaasha DG & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaan uga mahad celinayaa ka soo qeyb galkooda.Waxaan rajeynayaa in uu Guul noogu dhammaado shirkan muhiimka u ah masiirka dalka”.

Sidoo kale Afhayeenka XFS Maxamed Ibraahim Mucalimow, ayaa beeniyay warar sheegayay in kulankii furitaanka lagu gaaray heshiis hor dhaca.

“Wararka qaar ee leysla dhexmarayo ee sheegaya in ay jiraan qodobo lagu hishiiyay isla maalinka furitaanka Shirka Wadatashiga Arimaha Doorashooyinka ee uu shir guddoominayay Ra’isul Wasaare Rooble waa been abuur aan sal iyo raad toona laheyn. Shirka jawi wanaagsan ayuu ku bilowday wuuna sii socon doonaa inshallah” ayuu yidhi Afhayeenka XFS, Mucalimow.

Qaar ka mid ah murashixiinta u tartamaysa xilka Madaxtinimo ee dalka ayaa soo dhaweeyay shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Qaar ka mid ah murashixiinta u tartamaysa xilka Madaxtinimo ee dalka ayaa soo dhaweeyay shirka Golaha Wadatashiga Qaran, oo shalay uu si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, isla markaana uu shir guddoominayay kulanka, kaasi oo diiradda lagu saaray dhameystirka arrimaha doorashooyinka dalka.

Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ka mid ah murashixiinta xilka Madaxtinimo ee dalka ayaa bogaadiyay hannaanka uu ku bilowday shirka, isagoo xusay inay dhankooda ay garab istaagayaan.

“Waxaan bogaadinayaa guulna u rajeynayaa shirka wadatashiga Qaran, waxaana dhamaanteen xil weyn naga saaranyahay inaan u howlgalno taabagelinta iyo najaxinta shirka, si dalka uga qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah”. Ayuu yiri Musharax Madaxweyne Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa bogaadiyay qabsoomidda shirka, waxaana uu rajo wanaagsan ka muujiyay in xal waara laga gaaro arrimaha la xiriira fulinta heshiiskii 17 September, isla markaana isafgarad uu ku soo dhamaado shirka.

“Waxaan bogaadinayaa shirka wadatashiga Qaran ee maanta horudhiciisa furmay, waxaan rajeynayaa in xal laga gaaro arrimaha la isku hayo ee la xiriira fulinta heshiiska doorasho ee 17 September”. Ayuu yiri Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Musharax Madaxweyne Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa ku tilmaamay shirka Arrimaha doorashooyinka mid yadiilo iyo wanaagsan u leh bulshada Soomaaliyeed.

“Waxaa ii muuqata Yididiilo iyo dareen cusub oo ay la yimaadeen madaxda ka qeyb galaysa shirka taas oo astaan fiican u ah inay jirto kalsooni iyo is-aaminaad sahli doonta in heshiis laga gaaro geeddi-socodka arrimaha doorashooyinka”. Ayuu yiri Jabriil Ibraahim.

Haddaba Kulankan ayaa laga rajaynayaa in laga gaaro heshiis midho dhal ah maalmaha soo socda hadii allah idmo.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA oo gargaar u dirtay goobihii laga saaray argagixisada

Muqdisho,(SONNA):-Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa  maanta oo jimco ah waxay deeq Mucaawino Gargaar ah u dirtay deegaanadii dhawaan…

GudahaWararka
August 25, 2023

NISA oo dekadda iyo garoonka Muqdisho ku qabatay saanad ciidanka oo Khawaarijta loo waday iyo shabakaddii ka shaqeyneysa

Muqdisho(SONNA):-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ayaa Dekada Muqdisho ku qabtay alaabo ay ciidamada Isticmaalaan oo ay ku jiraan…

GudahaWararka
May 18, 2023

Ra’iisal wasaaraha XFS oo Kismaayo kulan kula yeeshay Saraakiisha ciidamada AMISOM

Ra’iisul wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo uu la socday  Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Xaaji, ayaa maanta Magaalada Kismaayo kula kulmay…

Gudaha
July 10, 2021

Ciidanka Xoogga oo door Wayn ka qaadanaya u gurmashada dadka ay saameeyeen fatahaadda Beledweyne

Muqdisho(SONNA):-Dadka Magaalada Beledweyne ayaa maalintii saddexaad ka barakacaya xaafadaha magaalada oo Fatahaadda Webigu aad u saameysay waxaana kaalin weyn ka…

GudahaWararka
May 11, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023