Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Shirka Amniga koonfur-galbeed oo looga hadlay xoojinta Amniga
    September 6, 2025
    Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeeray xarunta dambi baarista
    September 6, 2025
    Dr Xabeeb iyo wafdi dhakhaatiir ah oo gaaray degmada Cadaado
    September 6, 2025
    NISA oo hawlgal ku dishay in ka badan 12 khawaarij ah
    September 6, 2025
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    September 5, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
    Gobolka Florida oo laga hirgalinaayo xarun 2-aad oo lagu hayo soo galootiga
    August 15, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
    La yaab yaysan kugu noqon
    August 27, 2025
    MA DOONEYSAA ABAALMARIN GAAREEYSA ILAA $10 MILYAN OO DOLLAR?
    August 23, 2025
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Saraakiil ka tirsan hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo tababar loo soo xiray “Sawirro”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Saraakiil ka tirsan hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo tababar loo soo xiray “Sawirro”
GudahaWararka

Saraakiil ka tirsan hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo tababar loo soo xiray “Sawirro”

By Aadan Sooyaal
Last updated: May 20, 2021
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)-Tababar ku saabsan baarista dukumiintiga safarka (Baasaboor iyo Fiisaha) iyo hubinta qofka ku safraayo lahaanshihiisa dukumiintiga safarka ayaa maanta loogu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho Saraakiisha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo Booliska Soomaaliya, gaar ahaan qeybta Interpol.

Tababarkaan ayaa waxaa bixintiisa iska kaashaday Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo Safaaradda Sweden ee Nairobi, iyadoo uu goobjoog ahaa Xoghaya Koowaad ee Safaaradda Sweden ee Nairobi. Tababarka oo heerkiisu sareeyay ayaa waxaa bixinaayay Saraakiil ka socotay Dowladda Sweden iyo Hey’adda Xuduudaha Midowga Yurub (Frontex).

Ujeedadada Tababarkaan ayaa aheyd in lagu barto ka hortagga dukumiintiga ay ku safraan dadka isu eg, isla markaana rabaan in ay uga gudbaan xuduudaha Dalka Baasabooro ama dukumiintiga safar oo aysan iyagu laheyn. Saraakiisha ayaa tababarka ku qaadanayay dukumiintiga Yurub ee lagu safro sida Baasaboorka Sweden, Aqoonsiga iyo Degenaanshaha Sweden, Sidoo kale Saraakiisha ayaa tababarka ku qaadanayay qalabka lagu baaro Baasaboorada, iyadoo ay ku kala saaraayeen Baasaboorka saxda ah iyo kan been abuurka ah.

Lataliyaha sare ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane, Mahad Axmed Cabdi oo dowr muhiim ku lahaa qabsoomidda tababarka iyo Agaasimaha Waaxda Maareynta iyo Kontoroolka Xuduudaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Gaashaanle Fahmo Xasan Maxamud oo goobjoog ahaa ayaa Saraakiisha kula dardaarmay in ay ka faaideystaan fursadaha tababarada ah ee hay’adda mar kasta la garab taagan tahay, gaar ahaan Saraakiisha ka howlgala Xuduudaha Dalka. Waaxda Maamulka Xuduudaha Dalka ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa mudooyinkii dambe waday horumarinta Saraakiisha safka hore ee ka howlgala Xuduudaha Dalka ( Dhulka,  Badda iyo Garoomada diyaaradaha).

Saraakiisha dhameysatay tababarka ayaa la guddoonsiiyay Shahaadooyin cadeynaya aqoonta ay u leeyihiin baarista dukumeentiyada safarka, iyadoo Sidoo kale qalabka lagu baaro dukumeentiyada lagu wareejiyay Waaxda Maareynta iyo Kontoroolka Xuduudahah ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, taas oo ka caawin doonto hadda kadib baarista dukumeentiga safarka.

Dhanka kale Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa Tababarayaasha guddoonsiisay hadiyado ka turjumaya dhaqanka Soomaaliya. Ugu dambeyn Tababarkaan ayay aheyd in uu ka dhaco dalka Sweden, balse xayiraadaha Corona-Virus ee kala xiray adduunka ayaa keentay in Dalka gudihiisa lagu qabto, si loo joogteeyo tababarada Saraakiisha safka hore ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Shirka Amniga koonfur-galbeed oo looga hadlay xoojinta Amniga

Baydhabo(SONNA):-Madaxweynaha Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Guddoomiyey Shirka Golaha Amniga Koonfur-galbeed oo looga…

September 6, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dhul giriir sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay dalka Turkiga

Ankara (SONNA)-Ugu yaraan 12 ruux ayaa geeriyootay 522-qof oo kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii dhul gaririir cabirkiisu yahay…

Wararka
October 30, 2020

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay ku xigeenka danjiraha Suudaan u fadhiya Soomaaliya

Muqdisho (SONNA) Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka…

GudahaWararka
March 12, 2023

Xukuumadda oo meel marisay hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda diiwaan-galinta iyo aqoonsiga dadweynaha “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)-Golaha wasiirrada xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa maanta kulan ay Muqdisho ku yeesheen waxay ku meel mariyeen Hindise-sharciyeedka dhismaha hey’adda diiwaan…

Wararka
September 10, 2020

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda oo magaalada Qaahira kula kulmay Wasiirka arrimaha Baarlmaanka dowladda Masar

Qaahira, (SONNA): Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Ambassador Ilyaas Sheekh Cumar iyo Wasiirka arrimaha Baarlmaanka dowladda Masar, Mahmoud…

GudahaWararka
November 28, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023