Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Amniga oo kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya
    September 28, 2025
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay Munaasabadda furitaanka Barnaamijka Xoojinta Af-Carabiga ee Soomaaliy
    September 28, 2025
    Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya
    September 28, 2025
    Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka oo kulan la qaatay sii-hayaha xilka Wasiirka Caafimaadka Botswana
    September 28, 2025
    Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay Wasiir Ku-Xigeenka Maaliyadda Dalka Sacuudiga
    September 28, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
Reading:  Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo ka qeyb-galay shir looga hadlayay duulaanka Israa’iil ee dhulka Falastiin.
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha >  Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo ka qeyb-galay shir looga hadlayay duulaanka Israa’iil ee dhulka Falastiin.
GudahaWararka

 Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo ka qeyb-galay shir looga hadlayay duulaanka Israa’iil ee dhulka Falastiin.

By Mohamed Abdukadir Socdaal
Last updated: May 16, 2021
2 Min Read
Share

SONNA (MUQDISHO) Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan ayaa maanta habka fogaan aragga uga qeybgalay shir gaar ah oo Guddiga Fulinta ee Ururka Iskaashiga Islaamka heer Wasiir Arrimo dibadeed uu kaga dooday duulaanka Israa’iil ee dhulka Falastiin, si gaar ah Magaalada barakaysan ee Qudus iyo howlaha rabshadaha leh ee laga geystay hareeraha Masjidka Al-aqsa.

Shirkani oo ku qabsoomay codsi ka yimid Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo ah shir-guddoonka kaltankani ee Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa ayuu ka jeediyay Wasiiru dowlaha khudbad uu ku caddaynayay mowqifka Dowladda Soomaaliya ee ka dhanka tacaddiyada Isra’iil ay ka geysanayso magaalada barakeysan ee Quddus.

Mudane Balal Maxamed Cusmaan, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo ka hadlayay arimahaasi ayaa yiri:

“Waxaan aaminsanahay in kulankan uusan ku imaan lahayn waqti ka wanaagsan, oo ka baahi badan kan maanta. Kulankaan wuxuu muujinayaa xaqiiqda in qadiyadda Falastiin iyo tan Masjidka Al-Aqsa ay weli tahay mudnaanta koowaad ee Dunida Islaamka.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxay sidaas darteed kula midoobeysaa dunida Islaamka inteeda kale baaqyada ah in la joojiyo qabsashada Isra’iil ee dhulka Falastiin iyo in la hubiyo xuquuqda dadka Falastiiniyiinta ee aayo-ka-tashi iyo in la dhiso dowlad u gaar ah iyada oo Bariga Qudus ay tahay caasimadeeda oo aan muran ka taagnayn.

Waxaan sidoo kale ka codsaneynaa bulshada caalamka inay qaadaan masuuliyad ku aadan baahida loo qabo in la joojiyo weerarada Isra’iil ay ku heyso dhamaan dhulalka Falastiin, lana ixtiraamo shuruucda iyo qawaaniinta caalamiga ah iyo in la soo celiyo xuquuqda dadka reer Falastiin oo ay ku jiraan xoriyadaha diinta.” ayuu yiri Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arimaha dibadda Soomaaliya.

Shirkan ayaa imaanaya xili maalmihii la soo dhaafay ay magaalada Quddus ka dhacayeen duqeymo ay Isra’iil ku beegsanayso deegaanada dadka Falastiiniyiinta ee dagan magaaladaasi.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Amniga oo kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa la kulmay Ergeyga…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dalalka G7 oo walaac xooggan ka muujiyey Rabshadaha ka socda Ethiopia

Muqdisho(SONNA):-Shirka toddobada dal ee dunida ugu hodansan G7 ayaa laga soo saaray war murtiyeed, kaas oo walaac laga muujiyay sii…

GudahaWararka
April 20, 2024

Ciidanka xoogga oo jab xooggan gaarsiiyay maleeyshiyada Al-Shabaab

Muqdisho:(SONNA)-Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Amisom ayaa jab xooggan gaarsiiyay maleeshiyaad ka tirsan argagixisada Al-shabaab oo isku dayay in ay…

Wararka
July 15, 2020

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo ku daah-furay Muqdisho Siyaasadda Qaran ee Qurbajoogta Soomaaliyeed

Muqdisho,(SONNA)- July 03, 2021 - Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan, ayaa Maanta oo Sabti…

Gudaha
July 3, 2021

Ku dhowaad 4,000 Arday oo u fariisatay Imtixaanka ku biirista Jaamacadda Ummadda

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Waxbarashada XFS Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa sheegay in Ardaydii ugu badneyd ay sanadkan u fariisatay Imtixaanka ku biirista Jaamacadda…

GudahaWararka
October 1, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023