Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Galmudug oo ay Wehliyaan masuuliyin ka tirsan maamulka magaalada Dhuusamareeb ayaa booqdey halka uu ka socdo Mashruuca lagu balaarinayo xarunta dhexe ee Wasaaradda Waxbarashadda Galmudug ku leedahay dhuusamareeb.
Mashruucan oo horaantiii sanadkan uu dhagax dhigay madaxweynaha Galmudug ayaa todobaadkan si rasmi ah loo bilaabay, iyadoo haatan la wado baneynta dhulkii hore u ahaa xafiiska Gobolka,
Mashruucan lagu dhisayo xafiisyadan cusub ee Wasaaradda Waxbarashada Galmudug ayaa noqonaya kii ugu balaarnaa ee si rasmi ah loga hirgaliyo degaannada Galmudug
Wasiirka Waxbarashadda Galmudug Maxamed Xaashi Dhoore ayaa uga mahad celiyay cid kasto oo gacan ka geysatey oo ka qeyb qaadashada balaarinta lagu sameeynayo xarunta wasaaradda waxbarashadda Galmudug,taas oo ka qayb qaadan doonta tayada Waxbarashada Galmudug.